Farmaajo wuxuu meesha ka saarayaa dadka go’aanka ka gaara arrimaha ganacsiga si loogu beddelo kuwa u adeegaya ajendihiisa siyaasadeed.

 


A C-WARAR

Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore  Wasiirka Wasaarada Ganacsiga ma kala diri karo Rugta Ganacsiga, warqada uu soo saarayna ma ahan mid sharci ah

Wasiirka Ganacsiga waa inuu ogaado in Rugta Ganacsiga & Warshadaha waa hay’ad madax banaan.

Waqtigii milateriga & Xeerarkii uu soo xarxariiqday 1985 inaan Dalka Somaliya lagu maamulin oo xoog lagu tuuray. Sharci Darradii la tuurayna dib looma soo celin karo, haddii la isku dayo mar kale in la soo celiyo nidaam darradaas waa la tuuraayaa oo Sharci ayaa la yaal.

Dowlada ma ku laha Ganacsi & Warshad midna Somaliya, mana maamuli karto hanti aysan laheyn. Ganacsiga Duulaanka uu ku yahay Farmaajo Dadka gaar ah waa socotay mudadsa uu xilka hayey. Hore ayaa loogu fashilmay in Ganacsatada &

 hayadda Rugta Ganacsiga la burburiyo balse Nasiib wanaag waa socon weysay oo waa uu ku hungoobay Farmaajo mar kalena waa uu ku hungoobayaa.

Farmaajo waxaa uu duulaan ku yahay Dhiiga & dhaqaalaha guud ahaan Dadka Somaliyed gaar ahaan Dadka Somaliyed ee degan Gobolka Banaadir ee Canshuurta bixiya.

Burburkii dhaqaalaha Soomaaliya ayaa soo dhowaaday kadib go’aankan walaaca badan dhaliyay.


Post a Comment

0 Comments