Musharrixiinta: Khad cas ayey noo tahay in Xabbad lagu rido Mudaharaadayaasha”



 A C-WAWAR

midowga musharaxiinta waxuu si kulul u cambaareye falkii foosha xumaa ee shalay ciidamo ka tirsan booliska iyo Nabad sugidda ay ku xabadeeyeen dhalinyaro si nabad ah u dhigayey mudaharaad ay ra’yigooda ku cabirayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay golaha

War saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray Waxay shacabka Soomaaliyeed daawadeen dhalinayaro iyo haween iyo caruur si nabad ah u mudaharaadaya iyo askari dharcad ah oo xabado ku ridaya gabdho ka mid ahaa dibadbaxayaasha, iyadoo kadib hablihii si khasab ah xabsiga loogu taxaabay.

Qoraalkan waxaa lagu sheegay in askarta dowladdu ay u muuqdaan kuwo fulinaya hadalladii ka soo yeeray madaxweyne farmaajo iyo madaxda kale, sida guddoomiyaha gobolka Banaadir oo u hanjabay musharaxiinta iyo cid kasta oo ku dhaqaaqda tallaabo aysan raali ka heyn madaxda dowladda federaalka

 farmaajo waxa uu ku fashilmay hogaanka umada somaliyeed iyo  shacabka banaanbaxayaasha neh  u adeegsaday awood iyo inuu xabadeeyo waana caadalada daro  lagu yaqaan nidaamka kali taliska fashilkaa

Cabudhinta shacabka iyo in xoog loo adeegsado farmaajo wuxuu kaga dayanayaa adeerkii siyaad barre waana siyaasadda aynu wada ognahay ee maanta somaliya xaalkaa gaadhsiisay hadaan layska qaban somaliya waxay ku noqon maalmihii xanuunka badnaa ee ay kasoo gudubtay hadaan laga hurtagin farmaajo iyo waxa uu wado

Post a Comment

0 Comments