qaraxii magaalada Gaal kacyo

 


A C -WARAR

Qarax Ismiidaamin  ah uu fuliyay ruux jirkiisa waxyaabaha qarxa kusoo xiray ayaa ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo gaar ahaan goob la filayay in lagu soo dhaweeyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble .

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhacay garoonka Cabdulaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo, xili loo diyaar garoobayay soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Rooble oo magaalada kusoo wajahnaa.

Inta la ogyahay toban qof oo u badan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21aad ayaa ku dhintay qaraxaasi halka in ka badana ay ku dhaawacantay Saraakiisha 

ku dhimatay weerarkan ayaa waxaa laga xusi karaa Taliyihii Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Qooje) Taliyihii Kumaandooska Danab ee

Qaybta 21aad, Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan, Taliye Kuxigeenkii Kumaandooska Danab, Marsha Mire, Sarkaal kale oo ka tirsanaa Qaybta 21aad, laguna magacaabi jiray Axmed Baaraaf, Duqii hore ee Magaalada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumey iyo dhawr askari oo kale.

Kooxda  Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka uu dhiigga badani ku daatay ee ka dhacay magaalada bartamaha dalka dhacda ee Gaalkacyo Midowga Musharaxiinta ayaa cambaareeyay falkan argagixiso

Waxaa u cadaatay shacabka somaliyeed labada waji ee uu leeyahay farmaajo ee ah wajiga lagu laynayo maatida iyo sarakiisha ciidanka dalka aan waxba gaysan iyo wajiga kale ee lagaga faaiidaysanyo danahiisa qaaska ah 

Post a Comment

0 Comments