Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo Hanjabaad culus Hawada u mariyey Dowlada

 


A C-WARAR

Yamamoto ayaa sheegqy Mareykanka uu ku bixiyay dadaal iyo qarash badan Soomaaliya, doorasho xummaatayna ay halis ku tahay in wixii horumar ah ee la gaaray ay daaqadda ka baxaan, Shabaabna ay xoogaystaan.

Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Donald Yamamoto oo ku afeeftay in khudbadiisu ay adag tahay ayaa sheegay in Alshabaab ay dooneyso xilligan weerarro ay ku qaado Gobolka Sh/hoose, saldhigga Ballidoogle ilaa Muqdisho ayna burburiso horumarkii sanadkii hore la gaaray oo dhan iyo guulihii ay gaareen ciidamada Soomaaliya AMISOM iyo saaxiibada kale.

Wuxuu toos ula hadlay Musharixiinta mucaaradka isagoo ka dalbaday inuusan jiri karin hanaan doorasho oo kale, isagoo dowlada Federaalkana u sheegay inaan la aqbaleynin dib u dhac ku yimaada Doorashada, lana fuliyo heshiiskii wadar-ogolka ahaa.

Muranka manta kajiro dalka ayaa sabatiisu tahay guddiga eey soo xushey dawlada farmajo guddigaas oo ka kooban sirdoonka somaliya taasi oo eey ka biyo diideen dhamaan mucardka iyo culamaaudiinka iyo shacabka

In kasta oo ay Soomaaliya ka baxday dagaallo sokeeye, haddana Farmaajo waxaa ka go’an inuu dalka ku celiyo  1991-iyo burbur hurleh

Farmaajua ma daneeyo dib u habeynta dalka, laakiin dantiisa gaarka ah ayuu dan ka leeyahay.ookaliyah

Post a Comment

0 Comments