war dag dag.Fahad, Farmaajo & Filish oo dejiyay qorshe dagaal sokeeye gelin kara dalka

 


A C-WARAR

 Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa qorsheynayaa in weerar gaadmo ah lagu qaaday qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka kuwooda ugu tunka culus.

Arrintan ayaa laga leeyahay ujeedo ah si loo aamusiyo musharaxiinta mucaaradka oo maalmihii u dambeeyay warbaahinta hadalo kul kulul u marinayay madaxda dalka gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Qorshahan oo uu dejiyay Fahad Yaasiin ayaa fulintiisa loo xilsaaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, kaas oo horay u soo ahaa hoggaamiye kooxeed hub badan Muqdisho ku heystay kuna heyb ah xubnaha la doonayo in la weeraro.

A C xogta aan ku helnay, Nabad iyo nolol ayaa dooneysa iney weerarka ku bilowday Xasan Sheikh Maxamuud oo horay u soo noqday madaxweyne iyo Daahir Maxamuud Geelle, kuwaas oo aan lagu ogeyn hub ay ku soo rogaal celiyaan.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweyne Sheikh Shariif oo ku jiray qorshaha looga cabsaday inuu soo kiciyo maleeshiyaad hubeysan oo isaga taageersan, maadama Shariif lagu tiriyo hoggaamiye Diimeed awood badan ku leh siyaasadda dalka

Cumar Filish ayaa dhowaan shaaca qaaday iney weerar adag la kulmi doonaan musharaxiinta mucaaradka ee qalalaasaha siyaasadeed ka wada Muqdisho, hadalkaas oo caro badan dhaliyay.

islamarkaane sheegay in dhiiga musharaxiinta uu banaanyahy

Post a Comment

0 Comments