Waribixintii xafiiska Hantidhawraha guud ee musuq maasuqa dawlada farmaajo

 


A C-WARAR

Warbixinta uu soo saaray xafiiska Hantidhawraha Guud, waxa ay tusaale cad ka bixisay sababta aan kaalinta koowaad ee musuqa dunida ugu jirno. muqaal dhab ah ayay naga

siisay warbxintu sida musuqa, ku takrifalka awoodda iyo baalmaridda sharciga ay astaan lagu aqoonsado u tahay nidaamka uu hoggaamiye Farmaajo

iyo in madaxtooyadu u maamusho hantida qaranka si dhinac marsan sharciga waxay horseeday in hantida qaranka ee loogu talagalay u adeegidda Ummadda looga shaqeeyo

dano gaar ah, sida in Baraha Bulshada lagu aflagaaddeeyo siyaasiyiinta ama doorashada loo adeegsado illeen awood aan sharci hagin waxa ay keeni kartaa musuq iyo kali-talisnimo.

Waxaa kale oo ay warbixinta Hantidhawraha ay xaqiijisay in Hay’adda NISA ay bixisay lacag dhan $1,219,276 Dollar -oo loo qorsheeyay hawl-maalmeedkeeda- iyada oo aan caddameyn loo heyn. Sidoo kale waxa ay gashay heshiisyo lagu qiimeeyay $1,343,812 Dollar, oo aan loo marin habraacii sharciga ahaa, lagana diiwaan galin Xafiiska Hantidhawraha. Intaas waxaa dheer in aan la diyaarin sharci haga Hay’adda NISA, taas oo keentay in hay’addu noqoto mid ku dhex milanta siyaasadda, una adeegsata kharashkii oogu talagalay sugidda amniga dano gaar ah

 halkii Hibo Nuura iyo Cabdi Muxumed ayaa ahaay  ( Doc kastoo la eegoo nolasha dunidu waa dabkee, hadduu dabkii dhaxmoodo maxaa lagu diiriyaa?) Ruux haddii la doorotoo, darajadii la saariyo, xilkii daryeeli waayaa, dab dhaxmooday weeyee, waa su’aal da’weynoo, madaxa daalinaysee, wixii lagu diirinayoo dadwaynahaa la waydiin.

Guud ahaan warbixintaan waxa ay si dhab ah u iftiimisay baahida dhabta ah ee loo qabo in la helo is beddel horseeda sarreynta sharciga iyo ilaalinta hantida Qaranka.

Post a Comment

0 Comments