Xaalada magaalada Muqdisho oo faraha ka see baxeyso



 A C WARAR 

Waxaa saakay Xaafado kuyaala Waqooyiga magaalada Muqdisho ka bilowday banaan baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday Farmaajo.

Banaan baxayaasha oon sidaa u badneyn ayaa watay boorar ay ku qornaayeen hal kudhigyo ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha Soomaaliya , waxa ayna socod ku marayeen xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

 Ciidamada booliiska ayaana lagu soo waramayaa in rasaas ku fureen dad banaan bax ka dhigayay isgooska Fagax, waxaana rasaastaasi ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray labo qof oo shacab ah   

Xaafadaha qaar ay ka socdaan banaan baxyada ayaa la arkayay shacabka ay la socdaan ciidamo ku hubeesan qoryo , waxaana jirta cabsi laga qabo in ay isku dhacaan ciidamada la socda dibad baxayaasha iyo ciidamada amaanka.

Dadka dhigaya banaan baxyada ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana muuqaalo baraha bulshada lagu baahiyay laga arkayay dibad baxayaasha oo gubaya Sawirada Madaxweynaha Soomaaliya.

Tani ayaa ha mid cadeeyneeso halka uu kataagan yahay farmaajo shacabka somaliyeed uu afarta sano uu xukunka haaye dulmiga eey ku jureen




Post a Comment

0 Comments