Cabdi Xaashi iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo si kulul uga hadleen go’aankii XF, una jawaabeen



 A C-WARAR

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay shir jaraa’id oo ay maante qabteen midowga musharaxiinta ayaa si kulul uga hadlay go’aankii maanta ka soo baxay xukuumadda federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxdii dowlad goboleedyada ee maanta garab taagnaa ra’iisul wasaaraha aysan go’aankaas ku metelin dadkii iyo gobolladii loo doortay.

Doorashada lagu dhawaaqay in la qabto suurta gal maaha oo midnimada dalkan ayey dhaawacee, walaaleheena uu ra’iisul wasaaruhu u weynaa ee maanta isla taagnaa, sida ay u dhaqmeen sax maaha, madaxdii qaar ayaa maqan oo la leeyahay waa laga tashanaa, kuwa kale ee maanta meesha taagnaana kuma metelaan dadkii shalay doortay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxa uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, K/Galbeed iyo HirShabeelle aan laga yeeleyn qorshahooda ah “Madaxweynaha ayaan kursiga u soo boobeynaa oo dadka anagaa soo gacan maroojineyna, taasi sax ma’ahan” ayuu yiri

Madaxweynaha waxaan leenahay dalka inaad tiraahdo qaar waa laga maarmaa, qaarna ciidamo ayaan geysanaa oo xoog dadka iigu soo afduuba, nimankii loo doortay deegaanadaasna ay raali ku yihiin, dadka ka soo jeeda dowlad goboleedyadaas raali kama ahan arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay isku celinta dadkan Soomaaliyeed ee ka soo daalay kala fogaanshaha iyo kala shakiga, isla markaana madaxweynaha laga rabo in hadii uu xukunka sii joogayo uu dadka Soomaaliyeed isku haayo, hadii uusan sii joogina dadkii oo is heysta oo aan kala maqneyn uu wareejiyo.

“Aamusnaanta madaxda maamulladii maanta meesha joogay waxaa u arkeynaa inay dhaheen hanaloo keeno ciidamo aan doorashada ku dhacno madaxweynuhuna uu sidaas rabo, marka taasi waa khatar, midnimada dalka ayaa khatar ku jirta maanta,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa ka hadlay go’aankii doorashada ee ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya, isaga oona sidoo kale u jawaabay madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Ugu horreyn Cabdi Xaashi ayaa nasiib darro ku tilmaamay go’aanka xukuumadda ee qabashada doorashada, iyada oo aan weli xal rasmi ah laga gaarin doorashooyinka, gaar ahaan guddiyadeeda iyo arrinta gobolka Gedo oo ay isku hayaan dowladda & Jubaland.

Arintaa ayaa ah siddha eey wararku sheegaayaan mid uu kadanbeeyo taliyaha sirdoonka somaliya ee NISA fahad yasiin



Post a Comment

0 Comments