Farmaajo oo baxsid ka ah masuuliyadii dalka cabsi awgeed

 


A C WARAR

Farmaajo uu kamaqan  munaasabado muhiim ah isagoo oo ka dhuumanaya masuuliyadiisa waxa kale uu munaasibadahaas uga qayb geli wayey cabsi awgii, hadaba nin qol hoosta kasoo xidhanayaa cabsi awgii sideebuu wadankan dhibka badan ka taagan yahay u xukumi karaa 

Farmaajo ayaa ka maqan munaasabadaha muhiimka ah isla markaana ka gabanaya waajibaadka saaran isla markaana awoodi waayey inuu ka qeyb galo munaasabadahaas cabsi darteed Sidee ayuu doonayaa inuu u xukumo dalka mar labaad ugu soo laabto

Farmaajo hugaaminta dalka waa uu ku fashilmey dhinac walibo mana rabyo in uu si nabad ah uga tago kursiga

Dhinaca kale Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah murashixiinta madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha xilku kasii dhamaanayo ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu baqdin darteed uga soo bixi waayey madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa uu yiri Saraakiil sare oo Dowladda ka tirsan ayaa ii xaqiijiyey in madaxweyne Farmaajo uu cabsi amni darteed kaga baaqday ka qaybgalka xafladdii qalinjebinta Jaamacadda Ummadda, kulankii qoondada haweenka iyo shirkii dhallinyarada. Wuxuu madaxweynuhu tartankii faynalka ahaa ee ciyaartii Banaadir iyo 

Galmudug ka daawaday hoygiisa, koobkiina xalay Villa Somalia dhexdeeda ayuu ku bixiyey. Madaxweynuhu markii uu xilka la wareegay wuxuu shacabka u ballan qaaday in uu Al-Shabaab dalka laba sano uga xoreynayo, maantana DARBIGII Vila Somalia ayuu dhaafi la’yahay.

Post a Comment

0 Comments