Farmaajo oo dhalinyaro Soomaaliyeed u tuuray hoobiyadii dagaalkii Itoobiya ee gobolka Tigree

 


A C -WARAR

Wareeysi lala yeeshey Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sheegay inay ku dhinteen in ka badan 400 oo askari boqolaal kalena dhaawac ku noqdeen  dagaalkii Tigreyga iyo dawlada itobiya.

Kuxigeenka Fahd Yaasiin ee sirdoonka Soomaaliya wuxuu qirayaa in uu ciidamo soomaali ah u diray Eriteriya si ay uga qeyb galaan dagaalka Itoobiya ay kula jirto gobolka Tigray,

Sidoo kale wuxuu sheegay in farmaajo amar uu ku bixiyay inaan lasoo celin ciidankaas nolol iyo geeri midna inta ay arimaha doorashadu ka dhamaanayso.

kadib markii la maqlay warar laxaqiijiyay dilka tobanaan iyo xitaa boqolaal warbixinada qaar ee dadka soomaalida ah ee kujira dagaalkan iyo faafinta muuqaalada wicitaanada qoysaska dadkii ladilay oo dalbanaya in la helo meydadka wiilashooda.

Farmaajo wuxuu diyaar u yahay inuu qarash gareeyo xitaa dhiiga dadka ay isku dalka yihiin kaliya inuu ka farxiyo xulafadiisa si ay uga caawiyaan inuu sii joogo booskiisa.

Umada  Soomaaliyeed uma dulqaadan karaan intaan kabadan dulmiga Farmaajo iyo dowladda.

Post a Comment

0 Comments