Rag ku hubeysan ayaa maanta askari ka tirsanaa ciidamada
dowladda ku dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.Toogashada oo ka dhacday
isgoyska Korontada ayaa waxaa loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada
Canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyo.
Wararka ayaa
sheegaya in falka kadib dabeleydii ka dambeysay toogashadaasi ay goobta isaga
baxsatay.
Sidoo kal waxaa
goobta uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo Meydka
marxuumka ka qaaday halkaasi.
Ma jiro wax hadal
ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Wadajir oo
ku aadan dhacdadaasi.
Muddooyinkii u
dambeeyey ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro
qaraxyo nooca miinada ah iyo dilal qorsheysan, waxaana dhacdooyinkan ay ku soo
aadayaan, iyada oo ay haatan Soomaaliya ay ku jirto marxalad doorasho &
kala guur ah
0 Comments