Musa Suudi wuxuu ka digay oo cambaareen udiray siyaasada ay qaadatay dowlada Farmaajo ee doorashada


 A C-WARAR

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Senatarada Aqalka Sare ayaa ugu baaqay ciidamada Soomaaliyeed inaysan dalkooda burburin oo aan loo isticmaalin in shacabkooda ay laayaan,hase yeeshee waxa uu Xaaji Muuse Suudi si weyn u dhaliilay siyaasada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Muuse Suudi Yalaxow oo maanta ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn ka hadlay arrimaha ciidamada iyadoo dhowaan ay soo baxayeen warar sheegayay in dowlada federalka ay diyaarisay ciidamo ay si gaar ah uga howlgalayaan doorashooyinka dalka.

Senator Muuse Suudi ayaa sheegay in ciidamada dalka ay yihiin kuwo suga ammanka dalka balse loo baahan yahay inaysan amarada qaldan qaadan oo ay ka fikiraan ficilada ay sameynayaan.

Musa Suudi oo wareysi siiyay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’aanka hirgalinta doorashooyinka ee ku saleysan xaalada taagan, gaar ahaan in la xaqiro doorka haweenka Soomaaliyeed ay qaateen labo nin oo isku beel ah, raiisul wasaare Rubel iyo madaxa gobolka Galmuj Korakor. Sidoo kale, iyada oo laga reebay doorashooyinka Puntland iyo Jabaland, dhammaan go’aamadan waxay caqabad cad ku yihiin rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Isagoo ka hadlayay doorashada ayuu ku sheegay in labo beel ay doonayaan inay doorasho qabtaan,waxana uu si gaar ah u sheegay in Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku dhowaaqeen doorashada balse madaxdii wakiilada ka ahaa Hirshabelle,Koofurgalbeed iyo gobolka Banaadir aysan ka hadlin wax doorasho ah balse ay ahaayeen kuwo goobjoog ahaa goobtii loogaga dhowaaqaya

Post a Comment

0 Comments