Shacabka Turkiga oo ka shalaaye faragalinta Erdogan ee Somaliya.

 


A C-WARAR

Qoysaska Turkiga ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday shan qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen Turki iyo saddex Soomaali ah

Shaqaalaha Turkiga ee dhintay waxaa lagu kala magacaabi jiray Selami Aydogdu, oo 22 sano jir ahaa oo guursaday lix bilood ka hor, iyo Erdink Genk, oo 44 sano jir ah oo ka tagay seddex caruur ah iyo hooyadood.

Mid ka mid ah xaasaska marxuumka ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu in ninkeeda uu ku jiray shaqaalaha  meeshaas joogay xilliga uu weerarka dhacayay ka dibna ay ogaatay inuu dhintay. Waxay sidoo kale intaas ku dartay in ninkeeda uu ka shaqeynayay mashruuc lagu dhisayo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgelisay dowladda Qatar isla markaana ay fulisay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

shacabka Turkiga waxay bixiyaan qiimaha faragelinta Turkiga ee arrimaha Soomaaliya iyo hunguri xumada maamulka Erdogan taasoo keentay in dadka Turkiga ay ku dhintaan Soomaaliya iyo meelo kale.

Shacabka  Soomaaliyeed waxa eey  diideen ku takrifalka Turkiga ee kheyraadka iyo hantida Soomaaliya.

Qatar iyo Turkiga waxay gacanta ku hayaan dhamaan kheyraadka iyo arimaha Soomaaliya

Waxa eeyna ka cud sanaayaan in eey juujiyaan fargalinta eey ku haayaan arimaha dalka ayagoo ah kuwa dhiirigaliya dawlada farmaajo in eey sii wado musuqmaasuqa

Post a Comment

0 Comments