Taliyaal Boliis oo loo xiray Dilkii Xalay Gudoomiyahii Degmada Hodan

 


A C-WARAR

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay Guddoomiyihii Maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdi Karim Dhagajuun kadib markii rasaas culus ku fureen gaarigii uu la socday.

Sida aan wararka ku helnay Gudoomiyaha ayaa lagu dilay Xalay Saqdii Dhaxe Isgooska Jid Mareexaan ee degmada Howl-wadaag , waxaana la sheegay in rasaas ku fureen gaarigii ciidamo booliis ah oo Isgooskaasi ku sugnaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban isgooska Jid Mareexaan ku dhax maray ciidamada booliiska iyo ilaalada Gudoomiyaha degmada Hodan ayna haleeleen Gudoomiyaha rasaastii booliiska gaarigiisa lala beegsadeen.

Arintaan ayaa ah mid cadeen u ah in uu dalku usii socdo in uu ka dilaaco dagaal sokeeye taasi oo sababteedu eey yeelan doonto dawlada uu madaxda kayahay farmaajo

Soomaaliya wali waxay wajaheysaa xaalado xasaasi ah oo ku saabsan arimaha amaanka dhibaatooyinka ugu badanna waxay ka imaadaan jiritaanka dowlada taagta daran sidoo kale dadka Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay la shaqeeyaan dowladooda ma helin dowlad ku haboon oo ay u qalmeen.

 



Post a Comment

0 Comments