Farmaajo wuxuu u hogaansamayaa shacabka Soomaaliyeed



A C-WARAR

Afar sano uu xilka hayay farmaajo shacabka soomaaliyeed waxba kama aysan faa'idin in ay ku waayeen aqoon yahano siyaasiyiin iyo familkooda waxaa ku soo batay qaraxyada dilalka qorsheeysan iyo kelitalis

shacabka somaliyeed maalintii ay dooranayeen waxay moodeen in uu yahay wadani dhab ah laakiin waa qaa'in raba in dalka uu kala qeybiyo wuxuu isku diray 4tii sano uu hayay qabaa'ilada dega somaliya asiga oo siiyay hub si ay iskugu laayaan dhiig badan ayaana ku daaday

Ciidamadii la rabay in shacabka soomaaliyeed lagu ilaaliyo ayuu ku laayay alshabab ayaana lala dagaalin afartii sano uu hayay xilka waxayna heystaan alshabaab inta badan soomaaliya iyada oo weysay wax la dagaalo hadsa waxay maamushaa soomaaliya oo dhan iyada oo aan heysan waxay baad ka qaataa ganacsatada somaliyeed iyada oo aan awood u laheyn dowlada

Heshiiska dhexmaray midawga mucaaradka  iyo dawlada ee ahaa inuu farmaajo raali-galin ka bixiyo dhacdooyinkii foosha xumaa ee dawladu ugaysatay banaan-baxayaashii dulmiga diidanaa ayaa muujiyay halka uu gaadh siisanyahay awooda rabitaanka shacabku iyo inaanay cidi hor istaagi karin.

Waxeeyna shacabka somaliyeed ku midaysanyihiin in dawlada farmaajo raligalinta ay ka bixisay falkii ay ugaysatay dibadbaxayaashi 19 kii febraayo ookaliya lagu dayn ee lagala xisaabtamo oo lagu ciqaabo arintaa argagaxa ku noqotay umada somaliyeed. 

Wexeeyna ugu baaqayaan musharaxiinta mucaaradka inay cadaadis ku saaraan dawlada farmaajo inay balanqaado inaanay dib udhicin falalkii foosha xumaa ee maalmo ka hor dawladu kula kacday shacabkii dulmigooda ka dhiidhinayay.


Post a Comment

0 Comments