banaan-baxa baritoole oo la rumeeysan yahay in uu guul ku soo dhamaan doono


A C-WARAR 

Mudaaharaadku waa xaq uu damaano qaadayo Dastuurka dalkeena. Waa astaan dimoqoraadiyad, waa dariiq lagu gudbiyo cabasho, laguna cabiro dareen. Cida diida dastuurkay diidan tahay, dimoqoraadiyadey lidi ku tahay, nabaday halis ku tahay, waana in meel looga soo wada jeestaa.

Muqdisho waa magaalo dadkeeda ay nolashooda oo idil iyagu maareystaan. Shaqo, waxbarasho, caafimaad, koronto, biyo. Dadka iyagaa leh adeega diyaaradaha, isgaarsiinta, bangiyada, xawaaladaha, cusbitaallada, iskuullada, jaamacadaha, guryeynta IWM. Dowladda waxaa laga rajaynayey in ay amniga sugto, subax walba qarax ayaa ka dhaca. In ay sharciga iyo kala danbeynta soo celiso. Madaxdaa dawladaa sharciga maalin walba ku tumata. Dadka in ay heshiisiiso. Hoggaankii dowladdaa dadka iska horkeena, walina isagoo wax u qaban ayuu doonayaa in uu sharci daro ku sii dul fadhiyo.

Dadku labo dulmi iskuma darsan karaan

Mudaaharaadka berrito ayaa u muuqda mid aan sinna ku baaqan doonin, waxaa la galiyay diyaar garow badan, Waxaa yar xeeladaha ay adeegsan karto dowladda waqtigeeda dhamaaday si ay u baajiso mudaaharaadkaas,

berrito oo jimce ah ayaa isha lagu wada hayaa waxa dhici kara, waxayna u muuqataa in laba mid aysan dhaafi doonin, Tan koowaad in mudaaharaadka ku dhaco si nabad ah, halkaasna ay ka muuqato saamaynta midowga musharixiinta guul ama guuldaro, taasoo hadii sida loo qorsheeyay u dhaco banaan-baxa culays wayn soo wajahi karo siyaasadda dowladda ka damacsan tahay doorashada

guddiga qaban-qaabada banaan-baxa ayaa diyaariyey shan arrimood oo loogu tala-galay xakameynta Covid-19, si loogu qeybiyo dadweynaha.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in dibad-baxayaasha ay u diyaariyeen:- 1-10 kun oo “face masks” ah ama afxirasho oo loogu talo-galay dibadbaxayaasha, 2-Dhowr boqol oo “Hand Sanitizers” oo faraha lagu dhaqdo, oo dadka looga horkeenayo inta aaney tagin goobta, 3-Koox gargaar degdeg oo ku fiican xaaladaha degdegga ah!, 4-Ambulance lagu qaado dadka haddii ay wax dhacaan! iyo 5-Biyo dadka harraadsan ay cabaan.

Si kastaba xaaladda Muqdisho ayaa aad u kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, iyada oo aad loo hadal hayo banaan-baxa mucaaradka

Banaabaxa baritoole ayaa la filaayaa in uu guul ku soo dhamaado Guusha ayaa ah mida eey u soo hooyaatey shacabka somaliyeed kadib 4sano oo uu dalku ka bixi waayey jah wareer iyo qarax iyo iyo kufsi lagulakacaayey hawenka somaliyeed eek u nool magaalada muqdisho


Post a Comment

0 Comments