Ciidamada Maraykanka oo ku qabtay labo doon oo ay saarnaayeen hub faro badan oo ku socdey fahad yasiin



A C-WARAR 

ciidamada Maraykanka ayaa ku qabtay labo doon oo ay saarnaayeen hub faro badan kuwaasoo aan la ogeyn halka lagu waday.

Markab Dagaal oo laga leeyahay Dalka Mareykanka oo lagu magacaabo USS Winston S. Churchill ayaa gacanta ku dhigay labadan doon aan weli la shaacin dalka laga leeyahay.

Qoraal ka soo baxay Saraakiisha Markabka USS Winston S. Churchill ayaa lagu xusay in doonyahan ay sideen hub kala duwan oo ku wajahnaa Dalka Soomaaliya iyo dadkii watay.

Bayaanka laguma xusin halka ay ka soo shiraacdeen doonyahan iyo cidda ay u sideen hubkii lagu qabtay xeebaha Soomaaliya.

lakin warrar lagu kalsoon yahay ayaa sheegayo in ubkaani u socdey fahad yasiin oo marhurey eey dawlada Qatar ugu deeqday hubkaan

Hubka ayaa isugu jiray RPG, BKM iyo AK- 47, iyadoo aan la shaacin goobta lagu qabtay hubkaas,hase yeeshee ilaa hada wax war kama soo bixin dhinaca dhabta ah uu u socdey hubka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale weli ka hadlin wararka sheegaya in Ciidanka Mareykanka ee jooga xeebaha dalka ay qabteen hub farabadan oo sharci darro ah.

Video ay sii daayeen ciidamada Mareykanka ee gacanta ku dhigay hubkaasi ayaa sidoo kale waxaa la arkayey ciidamada oo baaris ku haya doonyahaasi.

Si kastaba arrintan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay Soomaaliya haatan ku jirto marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana laga cabsi qabo in dalka uu galo fowdo, waxaana sidoo kale jirta in l-Shabaab ay muddooyinkii dambe dhankeeda kordhisay weerarada ay fuliso.

 





Post a Comment

0 Comments