Farmaajo ayaa kumanaan dhalinyaro ah kaiibiyey itoobiya


 A C-WARAR

Farmaajo, Abiy Axmed iyo Afwerki ayaa 2019 kala saxiixday heshiis iskaashi amni gobolka Geeska Afrika, waxayna kaligii-taliyeyaashan ku ballameen in midkii colaad kusoo furanta in loo gurmado Ciidan ahaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidan Soomaali ah Farmaajo u diro inay kasoo dagaalamaan dal dibadda ah, wuxuu horey ugu diray Qatar, Libya Azerbaijan, oo Turkiga oo taageero

Taliyihii hore ee nabad sugida ayaa helay magacyadda iyo qabiiladda qaar kamid ah Dhalinyaradda, oo u badan kuwa kasoo jeeda Galmudug, waxayna da’doodu u dhaxaysaa 20 illaa 30 sano, oo Dugsiga Sare ku jiray.

Dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa ka billowday November 2020 gobolka Tigreegga, waxaana colaadda ku biiray Ciidamo ka yimid Eritrea, kuwaasoo ay ku jireen dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhalinyaradan ayaa intooda badan laga soo qoray gobollada dhexe ee dalka, iyadoo ay Madaxda saree e maamulka Galmudug ay ku lug lahaayeen qorshahan oo Fahad Yaasiin, taliyaha NISA uu watay.

Dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa ka billowday November 2020 gobolka Tigreegga, waxaana colaadda ku biiray Ciidamo ka yimid Eritrea, kuwaasoo ay ku jireen dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xubno katirsan Sirdoonka Itoobiya ayaa dusiyay xogta in dhalinyaro Soomaali ah oo la socday taliyeyaal u dhashay Eritrea kusoo gudbeen xuduuda dhanka dhulka kadibna ay ku biireen dagaalka G/Tigreegga.

Ma jirto qiyaanno qaran oo midan ka weyn oo Farmaajo ka galay dalka, waana dembi aan looga hari doonin,” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, oo ka hadlayay Wiilasha lagu dilay Itoobiya.

Waalidiin murugeysan, oo welwel ka muuqdo ayaa wadooyinka Gaalkacyo iyo magaalooyin kale oo Muqdisho kamid tahay ku bananabaxay maalmihii lasoo dhaafay, iyagoo dalbanaya in Carruurtooda nolol iyo Geeri meel loogu sheego.

Waxay sheegeen hooyooyinka in iyagoo aan ka warqabin laga soo kaxaystay Wiilashooda oo wax u baranayay, iyagoo lagu qalday in Qatar loo wadayo, oo halkaasi ay shaqo lacag badan lagu qaadanayo ka helayaan.

farmaajo inta uu xukunka qabtey dalka wax uu ka hirgaliyey oo maantey laxusikaro malahan aan eheeyn dhibaatooyin mooye

dhibaatooyinkaan ayaa ah kuwa aan lasoo kuubi karin haba ugu danbeeyso midi eheed ciidamadi uu ka iibsadey dalka itoobiya oo ilaa maantey eey dawladiisu aan ka hadlin meesha eey ku danbeeyeen ciidamadaasi

farmajo waxa uu raba in uu dalaka mariyo wadadi adeerkiisa siyaad bare se shacabka somaliyeed kama yeeli doonaan taasi.

 


Post a Comment

0 Comments