farmaajo iyo fahad yasiin oo barlamaanka dulgeeye ciidamo dhar cad

 


A C-WARAR

Kulankii Baarlamaanka oo maanta lagu soo dhax dusiyey Ciidamada dharcadka oo Bistoolada ku hubeysan

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa maanta kulan ku leh xarunta ay sida KMG ah ugu shiraan ee Villa Hargeysa, waxaana xildhibaanada kulanka loogu qeybiyay Warbixinta Waxqabadkii Xukuumada Xil-gaarsiinta ee Boqolka maalmood.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in maanta xarunta golaha shacabka ku shirayeen gudaha loo soo galiyay 100-askari dhar cad .

”100 ciidamo dharcad ah oo bistoolado ku hubaysan ayaa maanta Golaha Shacabka gudaha loo soo geliyay, iyadoo ajandaha Goluhu maanta ahaa Akhrinta Hindise Sharciyeed iyo Qaybinta Warbixin Waxqabadkii Xukuumada Xil-gaarsiinta ee Boqolka maalmood.

Waxaa inla iswaydiiyo mudan buugaan yar ee boqolka ciidanka ah galbinayaan waxa ku qoran. Mise qorshe kale oo la damacsanaa lkn fashilmay ayaa jira?!” ayuu yiri Xildhibaanka.

Wali lama oga ujeedka ciidamadan uu sheegay Xildhibaanka loo geeyay xarunta golaha shacabka , waxa ayna arintan imaaneysa xili maanta ku egyahay mudo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Farmago wuxuu rabaa inuu noqdo sida keli-taliyeyaal caan ah, madaxweynihii hore Farmaajo wuxuu Soomaaliya ka dhigayaa inay ku dhacdo fowdo.


Post a Comment

0 Comments