Farmaajo oo codsaday in sanad loogu daro Baarlamaanka

 

A C-WARAR

Farmaajo ayaa ka codsaday in loo kordhiyo mudada waxa uuna ka codsaday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka oo waqtigiisu dhamaaday dhinaca kale

Axmed Madoobe oo shir jaraaid ku qabtay samareeb ayaa ka hadlay natiijo la’aanta uu ku dhammaaday shirkii madaxda Soomaaliya, waxa uuna mas’uuliyadda burburka ku yimid wadahadalada uu dusha ka saaray Farmaajo waxane uu ku tilmaamey in uu yahay shaqsi aan daneen dana dalka

Waxaad moodaa in farmaajo aqrinayo qoraalo adeerkiis siyaad barre. Farmaajo wuxuu diyaar u yahay inuu si sharci daro ah kusii haysto xukunka, isagoon wax walaac ah ka qabin mustaqbalka adduunka  Soomaaliya. Dhibaatooyinka na soo food saaray durba wey naga bateen, umana dulqaadan karno qalalaase siyaasadeed xilligan.

Farmaajo wuxuu raadinayay marmarsiiyo uu shirka Dhuusamareeb 4 ku burburiyo. Waana wax laga xumaado in Farmaajo Galmudug magaca uga dheelo, mar labaadna uu fashiliyo gogashii Galmudug dhigtay sidii horay u dhacday shirkii Dhuusamareeb 3

Kulankii baarlamanka Soomaaliya ee shalay ka dhacay ee uu khudbadda ka jeediyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqday mid aan macno badan sameyn kadib markii qorshihii madaxweynaha iyo xidlhibaanada taageersan ee muddo kordhinta ay fashiliyeen xildhibaanada mucaaradka

Qorshaha muddo kordhinta loogu sameynayo madaxweynaha, oo ay horey uga digtay beesha caalamka, ayaa socday dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey, hase yeeshee awoodda xildhibaano isbaheystay ayaa ku qasabtay guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal inuu meesha ka saaro, sida ay dhowr xildhibaan sheegeen

Post a Comment

0 Comments