Gudoomiye Cabdi Xaashi oo sharci darro ku tilmaamay xeer uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo.

 

A C-WARAR

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa caddeeyay mowqifkeediisa ku aadan  magacaabista Madaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday Farmaajo ee Golaha adeega Garsoorka

Qoraal kasoo baxay Xafiiska cabdi Xaashi ayaa waxaa uu sharci darro ku tilmaamay magacaabista uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo ee 7-da xubnood ee Golaha adeega Garsoorka, sidoo kalena ku eedeeyay inuu jebiyay Dastuurka KMG ah ee dalka.

Waxaa uu sheegay Cabdi Xaashi in 22-kii Bishii November 2020 Golaha Shacabka ee Baarlamaanka usoo diray Aqalka Sare Qararka uu ansixiyay 7 xubnood oo kamid noqnaya Golaha Adeega, kuna jiraan Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka iyo Xeer ilaaliya guud.Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa lagu caddeeyay qaabka ay tahay in loo maro magacaabista xubnaha Golaha adeega




Dhinaca kale Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya 2021 oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka iyo muranka ka taagan doorashada dalka.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa warbaahinta u sheegay inuu Farmaajo muddo lix cisho ah uu xukunka ugu fadhiyo si sharci darro isla markaana uu ilaalinayn dastuurka dalka

Madaxweyinhii hore ee dalka ayaa ku dhawaaqay in xiligan loo baahan yahay in dalka ka dhacaan banaanbax nabadeed oo shacabka ku dalbanayaan doorasho loo dhan yahay, taasi oo meesha ka saaraysa damaca madaxda muddo xileedkoodu dhamaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in dalkaan ay aheyd inay ka dhacaan doorashooyin, hase yeeshe aysan muuqan ififaalo ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, isla markaana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay isku tashadaan.

Sidoo kale waxa uu Madaxda dowladda ee muddo xileedkeeda uu dhamaaday ku eedeyay inaysan diyaar u aheyn in xal laga gaaro arrimaha taagan, si uu dalka u aado doorasho, wuxuuna carabka ku adkeeyay inay dhacayaan banaanbaxyo looga soo horjeedo qorshayaasha ka hor imanaya doorasho wada-ogol ah.


Post a Comment

0 Comments