Musharaxiinta oo Warqad ay ku qoran yihiin Shuruudo adag u diray Beesha Caalamka iyo guul uga soo hooyatey shirkii ay la yeeshteen R/W/rooble

 


A C WARAR

Ilo ku dhow dhow xubnaha Ergada waan-waanta ka dhex wada Ra’iisul Wasaaraha iyo Murashaxiinta Mucaaradka ayaa  AC WARARKA  u sheegay in dhinacyada ay ku heshiiyeen inay maanta kulan qado ah ku yeeshaan Hotelka Decale, kulankaas oo ay ka qeyb-galayaan Midowga Musharaxiinta, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in is-afgaradka uu yimid kadib markii Rooble uu aqbalay laba ka mid ah ah saddex qodob oo ay soo gudbiyeen musharaxiinta. Qodobadan ay musharaxiintu ku xireen la kulanka madaxdaas ayaa kala ahaa

1- In la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo.
2- In bannaan baxa la ogolaado.
3- In shirarka wadatashiga qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta

Ra’iisul Wasaaraha ayaa aqbalay labada qodob ee hore, balse qodobka saddexaad ee ka qeyb-galka shirarla ayuu sheegay inuu yahay mid ku xiran madaxweynaha, oo gacantiisa ka baxsan.

Arrintan ayaa imaneysa in ayada oo Golaha Midowga musharaxiinta Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ay mar kale ku celiyey in banaan-baxa ay dhigayaan Jimcaha soo socda, iyagoo sharci darro aysan aqbali doonin ku tilmaamay go’aankii ay shalay xukuumadda xil-gaarsiintu ku sheegtay in wax banaanbax ah aan Muqdisho lagu qaban karin.

Dhinaca kale Midoowga Musharaxiinta oo war culus u diray Beesha Caalamka

Nuxurka Qoraalka Beesha Caalamka ay u direen Midowga Musharixiinta Mucaaradka ah .
1-in Madaxweyne Farmaajo Xilka ku Wareejiyo Gole Qaran oo Kumeel gaar ah
2-in Wax ka badal lagu Sameeyo Gudiyada Doorashooyinka
3-in Midowga Musharixiinta ay qeyb ka noqdaan dadaalada Xal Xaarinta ah ee socda
4-in ay is-casilaan Taliyaasha Booliiska , Nabad Sugidda
5-in 60 Maalmood gudahood lagu Soo gabagabeeyo Geedi socodka Doorashooyinka
6-in uu jiro dammaanad qaad caalami ah oo korjoogteyanaya Fulinta Heshiisyada la gaaro









Post a Comment

0 Comments