Puntland iyo mucaarka oo Madaxweyne Farmaajo ku eedeyeen fashilkii shirkii Dhuusamareeb


 A C-WARAR

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi u horseedi karta Mustaqbalka waddanka.

“Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka”

Xasan Sheikh wuxu sheegay in Soomaaliya ay leedahay Shacab iyo Hal-door samata-bixin kara xaaladda adag ee dalku galay waxaana uu ku baaqay xasilooni iyo aragti-wadaag.

“Soomaaliya waxay leedahay shacab & haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni & aragtiwadaag” ayuu sii raaciyay.

Qoraalka Ex. Madaxweyne Xasan Sheikh wuxu ku soo beegay xilli Maanta ay ku egtahay  mudada xil-haynta Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay fashilka ku yimid shirkii wadatashiga ee Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka masuul yahay burburka ku yimid shirkaasi.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arrinta Gobolka Gedo ay noqotay middii ugu cusleyd ee shirka, taasoo markii dambena leesku fahmi waayay, ka dib markii sida uu yiri uu Madaxweynuhu si gaara isugu dhejiyay.

"Waxa ugu cuslaa oo ugu cuslaatay, markii dambena leesku fahmi waayay waxay noqotay arrinta Gobolka Gedo, oo Madaxweynuhu uu si gaara isugu dhejiyay." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay dagaal kula jiraan hannaanka federalism-ka, oo dowladnimada dalka ay ku dhisan tahay.

"Madaxda hadda joogta Villa Somalia ee waqtigu ka dhammaanayo waxay la dagaalamayaan nidaamka federalism-ka, waxa la ilaalinayana waa federalism-ka. Waxaa weeye nin walba waxa uu xaqa u leeyahay inuu qaato, xaq aanu lahayn qofna ma qaadan karo." Ayuu yiri Wasiir Timacadde.

Wasiir Timacadde ayaa intaa ku daray "Madaxweynuhu wuxuu rabaa in Gedo ay noqoto meel isaga siduu doono u maamulo, halkii uu ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Somaliya. Marka dadka walaalaha ah ee halkaa wada degan ee ka tirsan Jubbaland si gaara inuusan u fara-gelin Madaxweynuhu, Soomaali oo dhan bay ceeb ku tahay, Madaxweynahana uma wanaagsana."

Madaxweyne Farmaajo ayaa Sabtidii Maamulada Puntland iyo Jubbaland ku eedeeyay kuwa caqabadda ku noqday wadahadaladii xalka loogu raadinayay arrimaha doorashooyinka ee dalka, mar uu hortagay Xildhibaanada Golah

Post a Comment

0 Comments