Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen oo shirqool u maleegaayo shacabka somaliyeed

 


A C-WARAR

kulan saacado qaatay ay hotelka Decale ay ku yeesheen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa yimid saacado kadib markii ra’iisul wasaare Rooble, oo ay garab taagan yihiin saddexdan madaxweeyne goboleed, uu ku dhowaaqay in dalka uu galayo doorasho hal dhinac ah

ragaani waxa eey wadaan waa in eey farmaajo u abaal gudaan maadaan uu dhiiga shacabka ku saarey kuraasta eey maantey ku fadhiyaan guaanada qaarkooda hadaan laga fiirsan dhib ayeey keeni doontaa dan shaqsi yaan laku halaagin umad

dhinaca kale wasiirka waxbarashada dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu ka jiro musuq-maasuq weyn oo u baahan in wax laga qabt

Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan musuq-maasuq waxbarasho oo la xiriira iskuullada iyo jaamacadaha yagoo ay marqaati u noqdeen arday badan oo dooneysay iney dhigtaan jaamacado balse aan heysan shahaado dugsi sare, taasna ay qeyb ka tahay musuqa lagu hayo waxbarashada.

Tan ilaayo xiliga uu farmaajo xilka Qabtay waxa dhacayay falal isgu jira musuq maasuq,shirqoolo siyaasadaysan,kufsi iyo dulmi oo loo gaysanayay shacabka somaliyeed.

Dibadbixii shalay ka dhacay muqdhisho wexeey muujinayaa mawqifka ay shacabka somaliyeed ka taaganyihiin madaxwaynaha wakhtigiisu dhamaaday ee farmaajo waxaanay ku rajo waynyihiin inaanay afartii sano oo kale eeysan ku noqon

 

Post a Comment

0 Comments