Khudbad Uu rooble ka
horjeediyay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamanka ayuu ku sheegay in
xukuumadiisu waxka qabatay arimaha Dorashada, Amaanka, dhaqaalaha, iyo
Bani`adamnimada waana afarta waxqabad ee ugu liita maanta ee umada somaliyeed
ku dhaliilayaan dawlada farmaajo ee wakhtigeedu dhamaaday.
Waana Qorshe ay Dawlada
wakhtigeedu dhacay eey ku doonayso hanashada shacabka somaliyeed inkastoy
shacabku ogyihiin waxqabad la`aanta iyo dib udhiga ay sababtay dawlada farmaajo
afartii sano ee lasoo dhaafay.
Shacabka somaliyeed ayaa dhawr
jeer ugu baaqay in Madaxwaynaha wakhtigiisu dhacay u wreejiyo xilka si nabad
iyo dimuq-raadiyad ku lamaantahay waxayna ku garab taaganyihiin go`aan kasta oo
ay qaateen midawga musharaxiintu kadib markuu farmaajo damcay muddo kordhin
sharci darro ah oo badbaadada dalka ayaa waxkasta ka muhiimsan.
Dhinaca kale Gudoomiyaha
Aqalka Sare ee muddo xileedkiisu dhammaaday Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo
jeediyey saddex arrin oo la xiriirta shirka uu 15-ka Febraayo ku baaqay
madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse waxa uu dalbaday laba
arrin.
Madaxweynaha muddo
xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iclaamiyay shir la
isugu imaanayo, loogana hadlayo arrimaha la isku mari la’yahay ee ka taagan
hannaanka doorashada, kaasi oo uu sheegay inuu 15-ka February ka dhacayo
magaalada Garowe.
Cabdi Xaashi ayaa
qoraal uu soo saaray ku yiri “Sida aad la socotaan waxaa dhamaaday muddo
xileedka Baarlamaanka Federaalka ah iyo kan madaxweynaha jamhuuriyadda
Federaalka, iyadoon hehsiis buuxa laga gaarin qabashada doorashooyinka Heer
federal, saamileyda siyaasadduna aysan ka wada qeyb-gelin shirarkii ay isugu
yimaadeen madaxda labada heer dowladeed ee dalka, arrimahaas oo dalka geliyay
xaalada cabsi ah, jaha-wareer iyo hubanti la’aan siyaasadeed,”
Cabdi xaashi ayaa
soo jeediyey saddex arrin oo kala ah:
1- In Shirka 1-ka
Febraayo 2021 uu ka dhoco magaalada Muqdisho. 2 – Inay ay
kasoo wada qayb galaan, saamilayda siyaasadda Soomaaliya, iyo Bulshada Rayidka
ah. 3 – Iyo inay
goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka.
“Waxaan soo
dhowaynayaa soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay
15-ka Febraayo 2021 uu ka dhoco magaalada Mugdisho ayna kasoo qayb galaan,
saamilayda siyaasadda, iyo Bulshada Rayidka ah, goobjoogna ay ka ahaadaan
beesha caalamka; si looga arrinsado badbaadada Dalka, heshiisna looga gaaro
habraacyada lagu meel marinayo doorashooyinka loo madlan yahay,” ayuu yiri
Cabdi Xaashi.
0 Comments