Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii maanta ee Sayidka

 


A C-WARAR

Maamlmihii dambe ayaa waxaa caasimada ka dhacayey weeraro qaraxyo ah oo ay soo abaabushay oo uu ugu dambeeyey midkii lagu qaaday hotel Afrik ee magaalada Muqdisho

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka oo ay bar-koontarool ku leeyihiin ciidanka amniga.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, kaas oo la sheegay inuu xoog ku dhaafay bar-koontarool oo ku taalla nawaaxiga hotel Dayax, waxaana rasaas ku furay ciidamada amniga, isaga oona kadib ku qarxay isgoyska Sayidka oo ay koontarool kale ku leeyihiin ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan si dhab ah loo cadeyn karin, inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana weli hakad ku jira dhaq-dhaqaaq isgoyska Sayidka oo ay bar-koontarool ku leeyihiin ciidanka ammaanka

Dowlada iyo alshabaab ayaa ka dhexeysaa wada shaqeen waayo farmajo markii uu imaanayay ayuu balanqaaday in uu alshabaab uu labo sano uu kaga saari doono laakiin ma uusan dhicin 

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday waxa uu rabaa in uu dalkaan geliyo xaalad xun taasoo ah dagaal sokeeye waa in madaxtooyada laga saara si dalkaan oogu badbaadsano si aan dalkaann uusan u galin xaalad dagaal 

Shacabka somaliyeed waxay diidan yihiin in uu hogaamiyo hogaamiyaha ku fashilmay siyaasada dalka dowlada waxay la shaqeesaa alshabaab iyada oo ay u adeegsato siyaasiyiinta mucaaradka ah si ay u qarxiyaan ama ay u cabsi geliyaan

Alshabaab oo somaliya oo dhan ay maamusho afarta sano oo uu farmaajo xilka hayey waxa dhimatay siyaasiyiin waxgarad ah aqoonyahan dhalinyaro iyo shacabka masaakiin ah taaso dowlada rabto in dalkaan xoog ku qabsat





Post a Comment

0 Comments