fargalinta turkey eey ku hayso somaliya oo sii socoto


 A C-WARAR

Turkiga ayaa hub culus, qalab iyo rasaas fara badan u dira ciidamada Farmaajo ee ku sugan Muqdisho iyo Gedo

Waxaa faah-faahino laga helayaa diyaarado dagaal oo la sheegay in laga leeyahay dalka Turkiga oo shaley kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in diyaaradahaas dagaal ee Turkiga laga leeyahay ay saanad Militari u wadeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxyaabaha aan xogta ku helnay iney wadeen waxaa ka mid ah gaadiidka culus ee dagaalka, oo ay ku jiraan Dabaabbado, hubeedka nuucyadiisa kala duwan oo aan ka gudbeynin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Hubkaan iyo gawaaridaan gaashaaman oo maanta lasoo gaarsiiyay Muqdisho, waxaa la sheegay iney isticmaali doonaan cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor, ee Turkiga uu u tababaray dowladda federaalka Soomaaliya.

Maalmahii ugu dambeeyay  in ka badan 1000 (kun) askari oo ka tirsan ciidamada Gorgor ayaa dib ugu soo laabtay Soomaaliya, kuwaas oo tababar kusoo dhameystay dalkaas.

Wararka qaar ayaana sheegaya in 1500 askari kale laga qaaday Muqdisho kuwaas oo la doonayo in lagu soo tababaro dalka Turkiga.

Turkiga ayaa kala shaqeynaya Farmaajo iyo Fahd Yaasiin sidii ay si militari ah ula wareegi lahaayeen xukunka Soomaaliya oo ay ku jirtay xaalad adag

Beesha Caalamka, gaar ahaan Mareykanka waa inay ka shaqeeyaan sidii gacanta Turkiga looga qaadi lahaa Soomaaliya si loo xalliyo dhibaatada

 


Post a Comment

0 Comments