Farmaajo ayaa berri khudbad ka jeedin doona baarlamaanka, si loogu kordhiyo mudadiisa oo ah labo sano.

 


A C-WARAR

Ilo ku dhow wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa  A C u xaqiijiyey in safiirrada Mareykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ay xiriirro talefoon la sameeyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

Xiriirradaas oo ahaa kuwo gaar-gaar ah ayey xubnaha beesha caalamku guddoomiye Mursal kala hadleen arrimaha la hadal haayo ee muddo kordhinta iyo cawaaqibka ka dhalan kara hadii uu qaato go’aan noocaas ah.

Sida aan xogta ku helnay, waxay uga digeen in haddii uu goluhu qaato go’aan mudo kororsi ah, faa’iidada laga dhaxlo ay noqon doonto mid wiiqda xasilloonida dalka iyo dadaaladii dowlad dhiska ee socday sanadahaan.

Xubnaha beesha caalamku waxay guddoomiye Maxamed Mursal u sheegeen in aan la aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo hey’adaha dastuuriga ah ee mudo xileedku ka dhamaaday, isla markaana aysan heli doonin taageerada Beesha Caalamka, sidoo kale ay si adag ula xisaabtami doonaan guddoonka golaha shacabka.

Arintaan ayaa ku soo aadey xili ey socoto howlgalo milatari caasimada muqdisho caawey iyadoo lagu soo daadiyey xaafadaha ku dhawo barlamaanka iyo vilasomaliya ciidamo katirsan gor gor

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in qorshuhu yahay in saacadaha soo socda ay Beesha Caalamka war ka soo saarto shirka berri loo balansan yahay ee xildhibaanada golaha shacabka iyo shakiga laga qabo waxa dhici doona.

Beesha Caalamka ayaa si adag u diidan muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha iyo baarlamaanka waqtigu ka dhamaaday, waxayna soo saarayaan bayaan ay ku cadeynayaan mowqifkooda

Laba ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee taageersan madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qiray tuhunkii laga qabay guddoomiye Mursal oo ahaa inuu muddo kordhin u sameyn rabo Farmaajo 

Post a Comment

0 Comments