Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay
in la wado kala qeybin dhanka ciidamada xoogga dalka ah si loo ogaado sidey ugu
kala daacadsan yahiin madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo.
Qoraalka uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku
sheegay in qorshahaan, oo WararkaMaanta aysan xaqiijin karin ay udub dhexaad u
yahiin taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo taliyaha
ciidanka lugta Janaraal biixi.
“Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala
qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga
qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi
ayaa shaqadaas ku hawlan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu mar kale yiri: Ciidanka lagu tuhunsan
yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha
argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka
doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka”
Waxyaabaha uu sheegay iney qorsheynayaan oo ah boobka doorashada oo aan
wali laga heshiin, waxaa ku lamaanan weeraro lagu qaado siyaasiyiinta
mucaaradka ah iyadoo la ogyahay in 19-kii February weerar lagu qaaday
madaxweynayaashii hore dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed.
Wuxuu talo usoo jeediyay taliska ciidanka xoogga dalka isagoo leh:”Waxaan
uga digeynaa taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro
ku milanka siyaasada, waana in uu ogaadaa in waa lay amray aysan luquntiisa ka
saari doonin danbiyada uu galo”
Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sugan
yahay xarunta Villa Soomaaliya wax ka badan hal bil isagoo muddo xileedkiisa
dhamaaday, walina aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka oo ay beesha
caalamka gadaal ka riixeyso.
0 Comments