Farmaajo oo bilaabey qorsho afgambis militari ah

 


A C-WARAR

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo hor leh oo ku hubeysan Hub culus ka dejisay degmada Doolow ee gobolka Gedo, kuwaasi oo ka tirsan Millateriga sida gaarka u tababaran ee Gor-Gor.

Amarka ciidamada looga dejiyay Gedo ayaa waxa uu kasoo baxay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu amray in Gedo laga dejiyo ciidanka iyo hubka, xili ay wajaheyso xaalada Abaaro.

Gobolka Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka taagna abaaro baahsan, waxaana la filayay in xiligan adag ay dowladda federaalka gaarsiiso gar-gaar bini-aadantimo, ayada oo hore u ballan-qaaday dhaqaale aysan ilaa hadda gaarsiin

 Ma cadda sababta keentay in xiligan ay dowladda waqtigeedu dhamaaday ka dejiso hub iyo ciidamo hor leh gobolka Gedo se ilo laku kalsoon yahay ayaa sheegaayo in madaxweenaha waqtigiisa dhamaadey uu qorsheenaayo isagoo kaa shanaayo fahad yasiin in uu dalka af gambis ku qabsado isagoo xaley ku amran ciidamada harama cad in eey la wareegaan amaanka garoonka aadan cade cabdiraxamaan cabdi shakuur ayaa quraal uu bartiisa faecbooka uu soo dhiga ayuu yiri Maxamad Farmaajo weli in uu xoog dalka ku qabsan karo ayuu aaminsan yahay, sababtoo ah shalay ciidan ayuu Gedo oo abaar iyo biyo la’aan ka taagan ka dejiyey. Taliyaha Booliskana wuxuu ku amray in uu Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ciidankii Booliska ee kastamka ka qaado oo uu Haramcad Saadaq John hogaaminayo ku wareejiyo. Ma ninkaas ayaa nabad iyo doorasho doonaya?

Dhinacakale War Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa looga hadlay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya, hub iyo gaadiid dagaal oo shalay dowlada Federaalka geesay gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa nasiib daro ku tilmaamay in gobolka Gedo ay ka jirto xaalad bini’aadanimo in dowlada federaalka doorkii laga filayay gar gaar ay halkaasi ka dejiso taa badalkeeda u daabusho ciidamo iyo hub kala duwan.

Warka kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay masuuliyada waxii ka dhasha gulufka iyo ciidamada lagu daabulayo gobolka Gedo masuuliyadeeda uu qaadi doono Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Jubbaland







Post a Comment

0 Comments