A C-WARARKA
Sida ay A C u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Madaxweynaha
Soomaaliya ee ka dhamaaday muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
diidan shirka Xalane, oo uu ku xiray shuruud ay kala shaqeynayaan qaar ka mid
ah madax goboleedyada.
Madaxweynaha ayaa doonaya in shirkaas uu ka dhaco madaxtooyada Soomaaliya,
isaga oo tegista Xalane u arko mid dhaawaceysa sumcaddiisa, kadib markii ay
sidaas dalbadeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.
Saraakiil ka tirsan Villa Somalia iyo Xildhibaano ku dhow dhow madaxweynaha
ayaa A C u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu la kulmo Saciid Deni
iyo Axmed Madoobe oo kaliya islamarkaana uu dalbaday in ay yimaadaan dhamaan
madaxda kale.
Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu
madaxda maamulada ee taabacsan ku amray in aysan imaanin shirka ama ay
dalbadaan in loo soo wareejiyo Villa Somalia.
“Madaxweynaha waa diidan yahay in uu ka qeybgalo shirka waxa uuna
saaxiibadiis kale ku amray in aysan imaanin waxaana muuqato caqabado badan oo
ku horgudban qabsoomida shirkaan,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan golaha
shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay A C.
Dhinaca kale, Qoor Qoor ayaa laga soo xigtay inuu xildhibaano Reer Galmudug
ah u sheegay inay dareysiin doonaan beesha caalamka in Axmed Madoobe iyo Saciid
Deni oo kaliya aysan muhiim u aheyn doorashada Soomaaliya, ayna aheyn in mar
kasta tooda loo yeelo.
Lama oga sida uu xaalku noqon doono hase yeeshee waxaa socda cadaadis badan
oo ay wakiilada beesha caalamka saarayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo iyo maamul gobaleedyada kale ee taabacsan.
0 Comments