Farmaajo wuxuu culeys saarayaa muddo kordhintiisa,isagoo isticmaalaayo qaab militari iyo mid siyaasad

 


A C-WARAR

Waxaa saakay inta badan xiran wadooyinka muhiimka ah ee kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka qaar gaar ahaan kuwa gala Madaxtooyada Soomaaliya lasoo dhigay ciidamo aad u tiro badan iyo gaadiid dagaal.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Farmaajo wadooyinka Muqdisho saakay u amray in loo xiro kulanka golaha shacabka sidii looga celin lahaa 15-Xildhibaan

Farmaajo maanta wuxuu wadooyinka u xiray in uu 15 Xildhibaan Golaha Shacabka ka celiyo. Habeenkii iyo maalintii 19 Febraayo wuxuu weeraray ragii la tartami lahaa. Ragii ay talada kala dhaxaysana naftooda ayey ku aamini waayeen oo hubkooda ayey la soo degeen, Xalane way degeen. Xigtadiisa iyo saaxibadiina sidaa ayey halyeynimo u arkaan, waana ku taageersan yihiin. Ninkaas doorasho lala galo ma taalo ee waa in uu dalka xoog ku haystaa ama la iska kiciyaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Gudoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa dhawaan ilaa 5-kulan ka mamnuucay in ay kasoo qeyb galaan 15-Xildhibaan oo mucaarad ah, Xildhibaanadan ayaana dhankooda ku goodiyay in ay tagi doonaan xarunta golaha shacabka.

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ee dhawaan Gudoomiye Maxamed Mursal ka mamnuucay kulamada Baarlamaanka ayaa laga celiyay qaar kamid ah isgoosyada laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada amaanka ee la dhigay baraha laga soo galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo qeybiyay sawirada iyo magacyada 15-Xildhibaan oo gudoonka golaha shacabka ka mamnuucay in ay kasoo qeyb galaan 5-kulan.

Xildhibaanadan ayaa laga celiyay isgoosyada ay joogaan ciidamada amaanka, waxaana Xildhibaanada iyo gaadiidkoodaba ciidamada ku amreen in dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen.

Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada laga mamnuucay kulamada Baarlamaanka ayaa goordhaw sheegay in isaga iyo Xildhibaano kale lagu celinayo Isgooska Dabka, waxa uuna sheegay in waxii dhib soo gaaro masuuliyadeeda uu qaadayo Maxamed Mursal.

Isgoyska Dabka ayaa Ciidamo Farmaajo ka amar qaata hada nagu hortaagan yihiin aniga iyo Xildhibaano kale. Mas’uuliyada wixii na soo gaara Maxamed Mursal ayaa qaadaya!” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Kulanka la filayo in ay yeeshaan Xildhibaanada golaha shacabka ayaan wali furmin, waxaana kulankan shaki badan laga muujiyay ajandayaasha looga doodayo iyadoona laga cabsi qabo in Gudoonka iyo Xildhibaanada sameeyaan mudo kororsi.

Muddo kororsi hadii uu saakay dhaco waxeey noqoneysaa muslim iyo Mareexaan waxaana Muqdisho u haraya cidii xoog leh taas oo keentay in Odayaasha dhaqanka ee beesha Hawiye xalay ku dhawaaqaan ineey waajib tahay in Farmaajo lala dagaalamo si dalka looga badbaadiyo in uu gacanta u galo kaligii taliye

waxaana Muqdisho soo galay ciidamadii ugu badnaa ee ka soo jeeda beelaha Hawiye kuwaas oo la arkayay maalmahan iyakoo Muqdisho ku soo qulqulaya kuwaas oo barbar dagaala midoona ciidanka Madasha Badbaado Qaran oo shaacisay in aysan Gacmaha ka Laaban Doonin Muddo Kororsiga haraadigii Afwayne ee Farmaajo






Post a Comment

0 Comments