Golaha Ammaanka oo Digniin culus ka soo saartay Doorashada Somalia

 


A C-WARAR

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii meel mariyay qaraar lagu kordhinayo waqtiga howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ilaa bisha Diseembar, waxayna ugu baaqeen maamulada Soomaaliya in ay qabtaan doorashooyinka “dib u dhac dambe la’aan ah.

Qoraalka oo ka kooban 13-bog oo ay soo diyaarisay Britain ayaa waxaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay 15-ka xubnood ee Golaha, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed, waxay cadeysay inay adagtahay in lasoo afjaro sababo laxiriira khilaafaadka bishii lasoo dhaafay udhaxeeyay wadamada reer galbeedka iyo xubnaha Afrikaanka ah ee golaha ku jira.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo agaasimaanka doorasho xor ah, Hufan, lagu kalsoonaan karo, loona dhan yahay, iyadoo lag saleynayo Heshiiskii September 17-dii ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii

Sidoo kale Golaha ayaa waxaa ay ka digeen dib u kale oo dheeraad ah oo ku yimaada doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya, lana dhamaystiro heshiis siyaasadeed oo ku aadan arrimahaasi.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa horey Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay shir deg deg ah isugu yimaadan, isla markaana la xaliyo wax kasta oo khilaaf ah.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu xaqijiyo khilaafka ka taagan doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya, waxaana saddex jeer baaqay shir ay yeelan lahaayeen Madaxda

Dhinaca kale  Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam  ayaa shaley magaalada Muqdisho kulan xasaasiya kula qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen sidii xal looga gaari lahaa is-mari-waaga siyaasadeed ee dalka.

 “Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka ugu haboon ee xal lagaga gaari karo ismarinwaaga siyaasadeed ee dalka ka taagan,  Si ay doorasho wadar ogol ahi dalka uga dhacdo iyo sidii ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM u sugi lahaayeen goobta uu ka dhacayo shirka loo madlanyahay dhowaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Axmed Madoobe ayaa wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka dalbaday inay ciidamada AMISOM sugaan amniga teendhada Afisyooni oo ah goobta uu ka dhacayo shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hore walaac uga muujiyay amniga magaalada Muqdisho iyo isku haleynta ciidamada dowladda, kuwaasi oo muddooyinkii dambe ku kacay falal ka dhan ah xoriyatul qowlka ayaga oo ka amar qaadanaya madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday

 

Post a Comment

0 Comments