A C-WARAR
Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Midowga Musharixiinta Madaxweynaha & Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ayaa waxaa ay Beesha Caalamka u direen qoraal lagu eedeynayay Madaxweynaha Mudo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo
Qoraalka oo ku qoran luuqada Engilish-ka ayaa waxaa lagu sheegay in Farmaajo aanu laheyn sharciyad uu shir isugu yeero, iyagoo soo jeediyay in shirka la ballaariyo oo saamileydu ka qeyb gasho, iyo inuu amniga doorashooyinka wareejiyo.
Qoralka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in lagu soo dhaweynayo dadaalada ay wadaan Beesha Caalamka ee ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilafka iyo muranka hareeyay doorashoyinka.
“Madasha Badbaadada Qaranka waxay bogaadineysaa dadaalka wada-hawlgalayaasha Caalamiga ah ee looga sii gudbayo qalalaasaha siyaasadeed ee hadda jira oo ay abuureen doorashooyinka daba dheeraaday. waxay si kal iyo laab ah u soo dhaweynaysaa hadalkii
Xog-hayaha arimaha dibada Mareykanka ee fikirka iyo dagdaga ah ee doorashada Somalia & daneeyeyaasha muhiimka ah ee geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaan ala wadaagnaa dareen isku mid ah oo deg-deg ah oo loogu gudbayo doorashooyinka
Madasha Badbaado qaran ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu ku guuldareystay inuu hogaamiyo hanaan doorasho oo ku saleysan is afgarad oo sharci ah, cadaalad ah oo loo dhan yahay oo ah mas’uuliyadda ugu dambeysa ee Madaxweyne kasta ayna tahay aasaaska amniga,. xasilloonida iyo horumarka mustaqbalka ee dalka.
0 Comments