NISA oo ciidamo dharcad ah geysay kulanka Golaha shacabka iyo shaki taagan


 A C-WARAR

Cabdiraxamaan cabdi shakuur ayaa sheegay in uu Farmaajo ka go’an in uu hor istaago wadda kasta oo lagu gaari karo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda. Wuxuu doonayaa in Golaha Shacabka oo muddo xileedkiisii dhammaaday, Aqalkii Sare na ka maqan yahay uu muddo kordhin sharci dari ah u sameeyo. Wuxuu kaloo ogyahay in Dowlad Goboleedyada, mucaaradka iyo Beesha Caalamka aysan aqabali doonin.

Laakiin wuxuu rabaa in uu is qarxis siyaasadeed sameeyo, inta la jaalka ahna labo far u taago, I taageera oo isla kay qarxiya ama i diida oo Dowlad Goboleedyada iga soo horjeeda, Aqalka sare, mucaaradka iyo ajnabiga raaca oo na kala wada.

Maanta imtixaanka ugu adag waxaa wajahaya Farmaajo saaxiibbadiis oo ay hortaallo kala doorasho ah in in ay Farmaajo isla miidaamiyaan, ama ay gacanta qabtaan oo isaga, iyaga iyo dalkaba badbaadiyaan oo ay doorasho loo dhanyahay oo si nabad ah ku dhacda ogolaysiiyaan.

Waxaa mahadsan mudanayaasha ka tirsan Gola Shacabka ee sii caddeeyay mowqifkooda iyo inta diidan damaca Farmaajo.

Dhinaca kale xilibaan mahad salad ayaa sheegay in  Ciidamo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa Dharcadka ah ayaa maanta la geeyay xarunta golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Salaad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu maleeshiyaad hubeysan uu keenay Xarunta Golaha Shacabka.

Farmaajo maleeshiyaad hubaysan oo lasoo abaabulay kuma qabsan karo dalkaan waxaan kaloo lee yahay Guddoonka golaha shacabka waxaa Ticket u jarateen Film waqtigiisu dhamaaday

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa soo buuxiyey Hoolka shirarka xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in aanu wali fadhiga soo gelin Guddoonka Golaha Shacabka, iyadoo weli uusan buuxsamin kooramkii uu ku furmi lahaa kulanka.

Ajendaha kulanka ayaa xaly la shaaciyey inuu yahay  caabuqa Covid-19, inkastoo xildhibaanada qaar ay sheegayaan iney ka shaki qabaan ajande kale oo muddo kordhin ah uu ku hoos qarsan yahay.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa qorsheynaya iney is hortaagaan haddii uu Guddoonka keeno mooshin la xiriira muddo kordhin.

Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in ajandaha lagu soo dari karo muddo kordhin haddii loo baahdo, haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan.

Sidoo kale waxaa xarunta Villa Hargeysa, lagu arkay ciidamo ka tirsan NISA oo dharcad ah, sida qaar ka mid ah Xildhibaannada ay sheegayaan kuwaasoo ka badan kuwii horey loo keeni jiray, taasoo sii kordhisay shakiga jira,


Post a Comment

0 Comments