Ra`iisul W/Rooble oo u liicay dhinaca mucaaradka

 


A C-WARAR

Maalin kasta diyaarado sida ciidan, gaadiid dagaal, hub iyo agabyo kale ayaa ka dagayay gobalka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Kaliya dowladda Soomaaliya

Dhowr bil kadib, shacabka gobalka Gedo maanta uma baahna ciidan ee waxay u baahan yihiin wax ay cunaan iyo wax ay cabaan oo deg deg ah. Degmooyinka qaar dhimasho ayaa laga soo sheegayaa kadib markii ay dadku waayeen wax ay cunaan iyo wax ay cabaan, qaar kale oo degmooyinka ka mid ah waxaa ka jiraxaalado bini-aadinimo oo aad u dara

Farmaajo waxa uu Soomaaliya oo dhan u xayiran una diidan yahay inay doorasho ka dhacda gobolkan dartiis, inkasta oo dadka qaar rumeysan yihiin in gobolka uu qiil ka dhiganayo, balse sababta uusan doorasho u ogoleyn ay tahay inuu doonayo inuu kursiga ku fadhiyo.

Iminka, shacabka Gobalka Gedo iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa hada is weydiinayaa, Madaxweyne Farmaajo sida uu ciidan ugu daabulay Gedo, gargaar deg deg ah ma ugu daabuli doonaa?

Dhinacakale Waxaa durba soo ifbaxay su’aalo ku aadan inta uu la egyahay xiriirka wadashaqeyn ee u dhaxeeya Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee xil gaarsiita Maxamed Xuseen Rooble, kadib warqadii habeen hore ka soo baxday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa warqaddaas ku Iclaamiyay shir u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya, maamul gobaleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir, kaas oo lagu saxiixayo heshiiska laga gaaray muranka doorashada Soomaaliya ee Baydhaba.

Qoraalka Farmaajo ayaa burinaya qodob ka mid ah 6-dii qodob oo ay ku heshiiyeen Maxamed Xuseen Rooble iyo golaha midowga musharaxiinta ee Madaxweynaha Soomaaliya, heshiiskaas oo dhacay 25-kii bishii Febraayo.

Qodobka uu Madaxweyne Farmaajo jebiyay ee ku jira heshiiskii mucaaradka iyo Xukuumada ayaa ahaa, in mucaaradka oo kamid ah saamileyda siyaasada ay kamid noqdaan shirarka iyo go’aanada siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashada dalka iyo marxalada kala-guurka ah.

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay shir deg deg ah oo ay ku yeesheen hotel Jaziira waxay ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo xagal daacinayo heshiiska xukuumada iyo mucaaradku ku gaareen Muqdisho.   

Post a Comment

0 Comments