taliyaha NISA oo dil ugu hanjabey xildhibaanada kasoo horjeestay farmaajo


A C-WARAR

Xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la leh hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ka socda xeyndaabka Xalane, iyadoo looga hadlayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Ilo ku dhow kulanka safiirada beesha caalamka iyo shanta hoggaamiye goboleed ayaa sheegay in si gaar ah diirada loogu saarayo xal u helida muranka hareeyey doorashada.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaadaya qabsoomida shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee Afisyoono, si loo sii amba-qaado wada-hadallada looga arrinsanayo , sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka ka jira dalka

Kulankan waxaa garwadeen ka ah ergeyga Qaramada Midoobay, James Swan oo ay wahlinayaan wakiilka Midowga Afrika, danjiraha dalka Mareykanka iyo safiiro kale.

Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadayo, iyada gelinka dambe ee maanta ay kulan gaar ah leeyihiin madax goboleedyada iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Si kastaba dadaallada ka socda Muqdisho ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii xal waara looga gaari lahaa is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Dhinaca kale, Xildhibaanadii laga joojiyay ka qeybgalka kulanka Golaha shacabka oo shir jaraaid qabtay ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka uu soo saray guddoomiye Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Xidlhibaannada oo tiro ahaan dhan 15 mudane ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyey inuu dabada ka riixayo inuu barlamaanku galo fowdo iyo khalalaase ay madaxtooyadu soo amartay.

Sidoo kale, Xildhibaanadda ayaa sheegay in ciidamada NISA ee Baarlamaanka la geeyay ay dil ugu hanjabeen xildhibaanada kasoo horjeestay waxay ugu yeereen muddo kordhin sharci darro ah

xildhibaanadu waxay si cad u sheegeen in ay berrito tegi doonaan xarunta Baarlamaanka isla markaana aysan u joojin doonin go’aanka looga mamnuucay fadhiyada soo soccda.

“Shirka berri waan tagaynaa, warqada dhiiggeena lagu banaystay ee askarta loo dhiibay, wiixii nagasoo gaara waxaa si shakhsiyan ah masuuliyaddeeda u qaadi doona guddoomiye Mursal,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.
















Post a Comment

0 Comments