waxaa soo if baxay wada shaqeenta dawlada iyo al shabaab


 A C-WARAR

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo inta badan dhaliila hogaaminta madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si yaab leh uga hadlay hoobiyeyaashii maanta lagu tuuray xerada Xalane.

Mahad Salaad ayaa su’aal geliyay in Madaafiicda maanta Xalane lagu garaacay uu ka dambeeyo madaxwenaha uu waqtiga ka dhamaaday ee Farmaajo, asaga oo ku eedeyay in uu weerarka hoobiyeyaasha uu ka leeyahay ujeedo gaar ah.

“Madaafiicda maanta Xalane lagu garaacay Farmaajo miyaa ka dambeeya mise wada shaqayntii Shabaab iyo iyaga ayaa dhabowday oo gacan Shabaab ayay rabaan in ay wax ku cunaan Fahad iyo Farmaajo!,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Eedeynta Mahad Salaad oo ah mid culus ayey si madax banaan u xaqiijin karin A C, hase yeeshe weerarka hoobiyeyaasha lagu eekeyay xerada Xalane ayaa imanaya ayada oo uu maanta kasoo degayay garoonka Muqdisho madaxweynaha Jubbaland oo si weyn isku hayaan madaxda sarre ee dowladda federaalka.

Weerarka madaafiic ah ayaa maanta duhurnimadii lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa A C u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay kusoo dhaceen gudaha xerada, kuwasi oo gaystay khasaare hantiyeed. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya khasaare isku jira guryo iyo baabuur oo ay sababeen madaafiicda so dhacday.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka oo uu Xildhibaanku ku eedeyay in weerarkan cadeyn u yahay gacan-saarka kala dhaxeeya Farmaajo ee kooxdan.

Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka

Shacabka somaliyeed ayaa is weydiinaayo ciidamada dalak sababta eey wax uga qaban kari la yihiin weerarada al shabaab ee soo kurdhaayo iyadoo eey dawladu mar sii horeeysey eey ku baaqday in eey 2 sano ku baabi indoonto al shabaab

Waxaa la aaminsan yahay in eey dawlada farmaajo eey taakuleen siiso kooxdaas oo ka hesho dhaqaale dalka Qatar iyadoo u soo mariso fahad yasiin

Ciidamada uu soo tawbaro dalka turkiya eey yihiin ku wo loo soo tawbarey in eey ilaaliyaan oo kaliyaha farmaajo oo eeysan eheen kuwo dalka iyo shacabka loo soo tawbarey in eey dalka wax u qabtaan 

Post a Comment

0 Comments