Aqalka Sare oo ka horyimid muddo kordhinti shaley

 


A C-WARAR

Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa ka hor-yimid muddo kordhin ay maanta xildhibaanada Golaha Shacabka u sameeyeen Hay’addaha dowladda.

Cabdi Xaashi ayaa tallaabadaas ku tilmaamay ‘mid hal dhinac ah’, oo uga sii dareysa xiisada doorashada, islamarkaana sharci darro ah oo gebi ahaanba baalmarsan sharciyadii dowladnimo ee dastuurka dalka ku dhisna.

Waxaa uu walaac ka muujiyey in qaraarka golaha shacabka ee labada sanno ugu kordhiyeen hay’addaha dowladda uu dalka u horseedo xasiloni darro siyaasadeeda iyo mif amni oo halis ah.

Dhinacakale Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si adag u diidayaa muddo kororsiga sha darrida ah ee maanta uu ku kacay guddoonka Golaha Shacabka uu muddo xileedkiisu dhammaaday Sida ku cad Qod. 60aad ee Dastuurka dalka muddada xil-haynta Baarlamaanka waa afar sano oo ka billaabanaysa maalinta la dhaariyo. Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa inta uusan idlaanin muddo xileedkooda si wadajira u ansixiyey heshiiskil doorasho ee l7 September ay wada gaareen madaxda dawlad Goboleedyada iyo kuwa dawladda Federaalka ah ee uu xilkoodu dhammaaday iminka.

Goluhu wuxuu caddaynayaa in dastuurkii dalka iyo go’aankii labada aqal ee Baarlamaanka ay jebiyeen koox yar oo uu hormuud u yahay madaxweynaha iyo guddoonka Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhacay.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan difaaca dalka iyo ka hortagga kalitalisnimada dalka lagu burburinayo.

Wuxuu Goluhu bogaadinayaa tallaabta uu qaaday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Xasan oo iska diiday amarrada gurracan ee danta dalka iyo dadka lagu burburinayo. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa saraakiisha kale ee ciidanka in ay waddadaas qaadaan, si ay sumcaddooda iyo tan dalka u badbaadiyaan.

Dhinacakale Qoraallo kooban oo kasoo kala baxay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa looga fal-celiyey go’aankii muddo kororsiga ahaa ee xildhibaanada Goalah Shacabka ay maanta ku dhaqaaqeen.

Madaxda labadaan maamul goboleed ayaa isku mowqif ka ah xiisadda siyaasadeed ee dalka, halka madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo madaxda maamullada kale ay is xulufeysteen

Post a Comment

0 Comments