Shirkii Afisyoone oo mar kale hakad la geliyey iyadoo sabab looga dhigay maqnaashaha qoor qoor

 


A C-WARAR

Shirka madada dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ee Afisyoone ayaa mar kale maanta la hakad geliyey, ayada oo la sheegay inuu dib u furmi doono maalinta Arbacada ee berry

Warkan ayaa waxaa shaaciyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi, oo qoraal kooban soo dhigay barta twitter-ka. Cabdirashiid ayaa dib u dhigista dib u billaabashada shirka u sababeeyey maqnaanshaha madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor

madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu intii ay socdeen kulamadii u dambeeyey diiday dhammaan qodobadii ay wateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ay doonayeen in ajendaha shirka wada-tashi lagu soo daro, taasi oo keentay is-mari waa

Waxaa qodobadaas ka mid ah; yareynta awoodda Madaxweynaha ee xilliga kala-guurka, weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday dibad-baxayaal iyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha, iyo in la ballaariyo ka qeyb-galayaasha shirka

 Farmaajo madoonayo in xal laga gaaro arimaha dalka wayo waxa uu ug yahay hadii xal lagaaro in eey dhamaatey waqtigiisa sidaas darted yuu u diidan yahay in uu dalka xal helo

Arintaan waxa eey u hurseedi doontaa in mucaaradka ku hogaamiyaa kacdoon isagoo diida dalabyadooda isla markaana ka qaada ama yareeya mushaaraadka ilaaladooda federaalka

Isagoo mudooyinkii la soo dhaafey u adeegsan jiray ciidamo maleeshiyeedka lagu soo tawbarey turkey qamcinta mucaardka iyo shacabka ayuu hada la soo dagay ciidamo maleeshiyeed lagu soo tawbarey dalka Qatar

Post a Comment

0 Comments