Cutubyo ka tirsan ciidamada kana soo horjeeda mudo kororsiga Dowladda oo soo gaaray W/Muqdisho.

 


A C-WARAR

Farmaajo ayaa ku guulestey kala burburinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran iyadoo laga cabsi qabo in dagaallo dhacaan. Ciidamada xoogga ee ka soo horjeedka Dhaqdhaqaaqa Muddo-kordhinta Farmaajo ayaa faarujiyay saldhigyadoodii ay ku lahaayeen gobolka Shabeellada Dhexe waxayna caasimadda la galeen in ka badan 80 gaari.

Duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho waxaa xalay soo dhoobtay cutubyo ka tirsan ciidamada Militeriga Soomaaliya, kuwaas oo ka gadoodsan muda kororsiga hey’adaha dowladda federaalka

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka soo baxeen furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana tan iyo xalay socday dadaallo lagu doonayo in dib loogu celiyo halkii ay ka yimaadeen, waxaana arrintaas ku howlan saraakiisha ugu sareysa militeriga Soomaaliya

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa la sheegay in uu xalay saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan uu ka dalbaday in ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka soo baxeen, hase yeeshee ay taasi ka biya diideen

Danka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya, in saraakiisha ciidamadan ay maanta qorsheynayaan inay warbaahinta la hadlaan, si nay u shaaciyaan u jedkooda

Magaalada Muqdisho ayaana laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo cabsi laga qabo in ay isku dhacaan ciidamada kawada tirsan dowlada balse markan kala taabacsan mucaaradka iyo dowlada

 

Post a Comment

0 Comments