Farmaajo ayaa hada amar ku bixiyay in si degdeg ah ay Booliska u la wareegaan amniga Garoonka Aadan Cadde

 


A C-WARAR

Taliska Boliiska oo warqad mudaa la qarinaaye maanta soo saaray si shirka Afasiyooni loo carqaladeeyo

Farmaajo ayaa hada amar ku bixiyay in si degdeg ah loo faafiyo wareegto Taliyaha Booliska Gen Xijaar soo saaray 18 March 2021 lkn aan la faafin oo in muddo ah murankeedu taagnaa.

Wareegtada ayaa lagu faray in Hoggaanka ilaalinta canshuuraha (Turubataariyada) ee gacanta ku haya amniga Garoonka Aadan Cadde iyo Baraha Koontaroolada hoostaga si toos ah loo hoos geeyo Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ee Saadaq Joon Taliyaha ka yahay.

Saldhigga garoonka Aadan Cadde wuxuu markiisii hore hoos imaan jiray Laanta Canshuuraha booliska Soomaaliyeed, waana markii ugu horreysay ee la hoos geeyo taliska gobolka Banaadir.

Tilaabadaan oo sharci ahaan iyo hoggaan ahaanba khilaafsan sharuucda dalka iyo Habdhismeedka Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ujeedada laga leeyahay tahay sidii loo carqaladeyn lahaa shirka DF iyo DXDF ee saakay ka furmay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Qoraalkaas oo mar si xan ah warbaahinta u faafisay ayaa hadda la shaaciyay, waxaana lagu soo beegay iyadoo shir uga furmay magaalada Muqdisho madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo uu wehliyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Muddo la isku mari waayay shirar kala duwan, maanta waxey madaxda wada fadhiyaan teendhada Afisyooni kadib markii eey madaxda jubaland iyo butland ee dane iyo madoobe eey wehliyaan mucaardka eey sameeyeen tanaasulaad badan si uu dalka xal u helo  iyadoo laga tashanayo ajandaha shirka heshiiska doorashada kaas oo ay beesha caalamka isku aadineyso.


Post a Comment

0 Comments