farmaajo dalka waxa uu kuwadaa meel xun


 A C-WARAR

Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, ka dibna hoggaamiye kooxeed noqday.

Ma jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa. Waxaase is waydiinta mudan Dawlad Goboleedyada qaarkood bulshadii rayadka iyo waxgaradkii ayey la tashadeen,

ka dibna golayaashii Wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa go’aan ku diiday muddo kororsiga .

 Laakiin dawlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed yey la tashadeen markii ay go’aanka muddo kororsiga Farmaajo ku taageereen? bulsho rayad, waxgarad, Gole Wasiiro iyo Baarlamaan ma lahan miyaa? Mise dadkoodeey ka arkeen oo go’aanka iyagaa jeebka ku sita?

Midowga Musharaxiinta ayaa diiday farriintii ay wadeen M/weynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo ahaa codsi Madaxweyne Farmaajo ku Doonayo inuu la kulmo Musharaxiinta.

shirka oo ka socday guriga Madaxweyne Qoorqoor ayaa wararku sheegayaan sheegaya inuu isaga soo baxay C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii Qoorqoor iyo Guudlaawe ay shirka la yimaadeen wixii ay ka sugayeen wax aan aheyn oo ah inay farriin sidayaal noqdeen, halka markii hore laga sugayay inay mowqif cad ka qaataan muddo kordhinta labada sano ee Farmaajo.

Maadaama siyaasada dalkeenna ay 4.5 ku qaybsan tahay, ninkii ciidanka siyaasadda soo dhexgeliya ayaa Qabiil u qaybiyey. Waxaan ugu baaqayaa Ciidanka Qalabka Sida in ay siyaasadda dibad joog ka noqdaan.

Dhinacakale  C C shakuur qorqql uu bartiisa facebooga uu soo dhiga ku yiri Waxaan si dhow ula socanaa hawlgalada ciidan, gaar ahaan Gorgor ee laga soo celiyey furimaha dagaalka cadawga Alshabaab, si loogu adeegsado weeraro lagu qaado siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan.

Waxaan u mahadcelinayaa saraakiisha iyo askarta diidday in dagaalka siyaasadeed galaan, iyagoo ku dooday in aysan jirin sabab ay furimaha dagaalka cadawga looga soo saaro, si ay siyaasiyiin iyo deegaano shacab ugu duulaan. Waan la soconaa magacyadooda iyo ciidanka ay ka tirsan yihiin. Waxaan kaloo la soconaa kuwa sida nacasnimada leh ugu shaqeeya hoggaamiye kooxeed Maxamad Farmaajo

Post a Comment

0 Comments