Ismoogaysiis iyo ila meerayso ayay ahayd khudbadii Farmaajo xalay jeediyay

 


A C-WARAR

Muqdisho ayaa u muuqata in ay dagaal ka badbaaday, Muddo kordhintii baarlamaankaa lagu aasayaa, dilalkii qorsheysnaa oo socon waayey, Farmaajana waa mid sii galbanaya oo maalmuhu ku adkaadeen, garabkiisii midig ayuu sabab sanayaa.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad u cakirneyd xaaladda Soomaaliya ee ka dhalatay doorashada taas oo gaartay dagaal Muqdisho ka dhaca iyo weeraro lagu qaaday xubnaha mucaaradka ah.

Farmaajo oo muddo kordhin laba sano ah ku dhufsaday horaantii bishaan April ayay dantu bidday in teendhada Afisyooni iyo doorashadii dadbaneyd uu ku laabto, markii uu Fil-kiisi madoobaa, Kornel Cabdalla Daahir Cabdullahi Dheere uu ka waayay garabkii uu ka filayey.

Cabdullahi Dheere, oo ku magacaaban taliyaha dabagalka siyaasiyiinta ee NISA ayaa saaxiibada xukunka ee Fahad iyo Farmaajo kala shaqeynayay weerarada iyo qorshayaasha hoose ee lagu shirqoolayo siyaasiyiinta, haddana isaga ayaa ah dhabar jabka ugu weyn ee soo afjaray rajadii muddo kordhinta.

Tilaabadaasna waxay ku timid cadaadiska Maraykanka oo ogaaday dagaalka lagu qaaday mucaaradka in ninkaan u xilsaarnaa, isagoo ugu dambeyn helay fariimo canaan iyo shaqo ka joojin ah, waxaana uu Farmaajo toos ugu diray fariinta ah in isagu aanu ka qeyb qaadan karin dagaalka, uuna la dhacsan yahay aragtida Ra’iisla wasaare Rooble ee doorashada dad ban, nabadana la qaadanayo.

Maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka.

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen labada maamul ayey ku yiraahdeen “Waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nuuckasta oo ah muddo kordhin.

Ismoogaysiis iyo ila meerayso ayay ahayd khudbadii Farmaajo xalay jeediyay. Kumana soo hadalqaadin dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho iyo qalalaasaha siyaasadeed iyo midka amni uu dalka geliyay. Tusaale:

1. Sooma hadalqaadin ku darsigii xaaraanta ahaa iyo xukun boobkii uu ku kacay 12-kii bishan Abriil 2021.

2. Kama garaabin, umana tacsiyeen shacabkii dhiigooda uu daadiyay, guryahoodana ka barakiciyay iyadoo bil Ramadaan lagu jiro.

3. Wuxuu iska indhotiray fidnada uu ka dhex abuuray ciidamada qalabka, isagoo kala qaybiyay kadibna qoryo isugu dhiibay. Mana jiro maanta askari askari kale aaminaya iyo sarkaal laga amar qaadanayo, qof walibana wuxuu miciin bidday qorigiisa iyo qabiilkiisa.

4. Sidoo kale ma sheegin sida xal loogu heli karo ismariwaaga siyaasadeed ee maanta taagan, kumana baaqin wadatashi iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo dalka lagu samatabixinayo.

5. Isku soo wada duuboo ujeedka Farmaajo wuxuu ahaa ii dheh siyaasadeed uu waqti ku iibsanayo si uu diyaar garoobo isla markaasna isaga yareeyo cadaadiska ciidan ee dulsaaran iyo goodiska beesha caalamka ku hayso.

Ugu dambeyntii waxaan ku baaqayaa inaan heeganka laga bixin inta ninkaan jid iyo jiho diidka ah dalka iyo dadka laga badbaadinayo. Lagana hubiynayo in dalku doorasho aaday.








Post a Comment

0 Comments