Midoowga Musharaxiinta oo Fashilka Shirka Afisooni dusha u saaray Farmaajo

 


A C-WARAR

Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa shacabka Soomaaliyeed iyo Golaha Midowga Musharraxiinta u sii caddaanaya in Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday uu carqaladayn joogta ah ku hayo geeddi socodka lagu baadigoobayo doorasho wadar oggol ah oo si nabad ah ku dhacda, iyadoo ujeedkiisu yahay muddo kororsi khilaafsan dastuurka, halisna ku ah xasilloonida dalka.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu shirka dib ugu laabto, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho wadar ogol ah oo si nabad ah ku dhacda.

Goluhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba u caddaynayaa in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu qaadayo mas’uuliyadda fashilka ku yimaada shirka, tahayna in lagula xisaabtamo.

Ugu danbeyn Goluhu wuxuu bogaadinayaa dadaalka beesha caalamka ugu jirto sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo wadar oggol ah, wuxuuna goluhu ugu baaqayaa in ay qaataan mas’uuliyada ka saaran xaqiijinta yoolkaas




Dhinacakale Maalintii shalay waxaa natiijo la’aan ku soo dhamaadey shirkii dhamaystirka taabo gelinta doorashooyinka baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo kulankiisu qaatey Sabti, Axad iyo Arbaco, waxaana uu hakad galay labo maalmood

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda xil-gaarsiineed Cismaan Dubbe ayaa maalintii shalay soo saarey muuqaal uu ku sheegayo in shirku fashilmey, isla markaana eedeeyey Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubaland kuna tilmaamey in aysan doorasho dooneyn.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo waraysi siiyey VOA ayaa nasiib darro ku tilmaamey iyaga oo bil u fadhiey Muqdisho xal Soomaaliyeed in warka caynkaas ah Dowladda xilkeedi dhamaadey ka soo yeero, wuxuu sheegay in Muuqaalka Dubbe la duubey mar hore, isaga oo soo xigtey dharka uu shalay shirka ku joogey iyo kan marka muuqaalka la duubey ayba labo kal ahaayeen.

Sida la wada og yahay shirku waxa uu furmey 03 Abril 2021 xerada Afisiyoone, maalintaas wax war ah kama soo bixin waxaana uu u badnaa shirku mid wada hadalka lagu bilaabaayey.

Maalintii ku xigtey ee 04 Abril 2021 ayaa shirka dib loogu soo laabtey gelinkii danbe ee maalintaas, ayaa weriyaasha la shaqeeya Villa Somalia dabaceen in Shirkii burburey oo Madaxweyanayaasha Puntland iyo Jubaland ay shirka ka baxeen kadib markii shuruudahoodi la aqbali waayey, waxaa arintaas beeniyey Madaxtooyada Puntland, waxaana ay sheegeen in shirku dib u bilaaban doono 06 Abril 2021 maalin wadatashi ah la galay taas oo uu codsadey Madaxweynaha Galmudug.

Arrintas ayaa muujineysa in Villa Somalia markii horeba dooneysey in shirku uu burburo, sida ay xogta hoose ugu gudbisey Weriyaasha ku xiran.


Post a Comment

0 Comments