Muqdisho: Qiimaha la iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan oo sare-u-kac ku yimid


 A C-WARAR

Bilihii la soo dhaafay waxaa la dareemayaa sare-u-kaca qiimaha hubka noocyadiisa kala gadisan lagu kala iibsado, hubka fudud iyo kuwa culus ee garbaha laga tuuro ayaa dhamaantood ku yimid sare-u-kac, iyadoo arrintan dhowr arrimood loo sababeeyay, sida khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo xaaladi ka jirtay Gobolka Gedo, halkaasoo dowladdu hub u daabuleysay.

Dhinacyada ugu badan ee suuqyada cirtoogtaha loo yaqaano hubka ka iibsanayay hubka ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah Musharaxiinta oo aad isu hubeynayay, waxaana arrintan ay ka dambeysay 19 February

markii magaalada Muqdisho ka dhaceen shaqaaqo iyo isku dhacyo u dhaxeeyay Musharaxiinta iyo dowladda oo Hotel ay degenaayeen Madaxweynayaashi hore la weeraray, sidoo kalena bannaan bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Musharaxiinta la rasaaseeyay, inkastoo dowladdu cudur daar ka bixisay shaqaaqadaas.

Hubka noocyadiisa kala duwan ee la iibsanayay ayaa isugu jiray qoriga Dhashiikaha, Qoriga PKM, RPG ama Sabanka iyo Qoriga AK47

Hubka kaliya ma noqon qaali waxa kaloo sare u kacay rasaasta la iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo rasaasta qoriga RPG ama Sabanka loo yaqaano uu gaaray halkii xabo $260.

Xog uruurin aan maalmihii la soo dhaafay ku sameeyay hubka lakala iibsado iyo suuqyada loo yaqaano cirtoogte ayaa la ii sheegay in labadi bilood ee la soo dhaafay hubka aad loo kala iibsanayay, iyadoo qiimihii hore la iibinayay labo jibaar ku dhow uu qaaliyoobay.

1- Qooriga Dhashiikaha 21 kun oo dollar halka marki hore ahaa 15 kun oo dollar

2- Qooriga PKM 16 kun oo dollar halka marki hore uu ahaa 12 kun oo dollar

3- Qoriga RPG ama sabanka 3kun oo dollr halka hore kun shan boqol oo dollar

4- AK47 $1,800 halka markii hore $1,100

5- bastoolada $2,200 markii hore $1,500

Madaxweenaha waqtigiisa dhamaadey iyo dawladiisa ayaa ku hawlan in uu muqdisho kadhoco dagaal kadib markii eey ku aboortey gobolka gedo xaalad xasilooni daro ah DFS wxa eey doo neeysaa in eey qalaaso galiso dalka iyadoo kaliya ka fikireeyso kursiga sida eey u siijoogi leheed aan u aaba yeeleenin shacabka somaliyeed


Post a Comment

0 Comments