QM, Midowga Yurub, IGAD iyo AU oo farriin cad u diray DF



 A C-WARAR

Muqdisho:- QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa yeeshay kulan looga hadlay waxay ugu yeereen “halista xooggan,” ee ka dhalan karta doorashada dib loo dhigay ee Soomaaliya iyo is-mari waaga wada-hadallada madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada

Kulankan ayaa waxaa yeeshay kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee arrimaha siyaasadda Rosemary DiCarlo, agaasimaha Afrika ee Midowga Yurub Rita Laranjinha, madaxa siyaasadda ee Midowga Bankole Adeoye, iyo xogahayaha guud ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu

Qoraal ay soo saareen kadib kulankooda ayaa ururadan waxay ku sheegeen inay si aad ah uga walaacsan yihiin in is-mari waaga siyaasadda uu saameyn xun ku yeelanayo nabadda, ammaanka, xasilloonida iyo baraaraha Soomaaliya

“Waxaan dib u caddeyneynaa go’aanka ah inaan taageeri doonin hanaanka kasta oo ah doorashooyin is-barbar socda, kuwa hal dhinac ah ama hindise kasta oo cusub oo hoggaamin kara muddo kordhin kasta oo lagu sameeyey muddo xileedyadii hore,” ayey qoraalkooda ku yiraahdeen QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD

Waxay sidoo kale ugu baaqeen hoggaamiyayaasha Soomaalida inay danta qaranka ka hor-mariyaan midda shakhsi, ayna dib ugu soo laabtaan wada-hadallada, si ay u raadiyaan is-tanaasul ku aadan arrimaha la isku hayo, una xaqiijiyaan inaan marnaba la qaadin ficillo dhaawici kara xasilloonida Soomaaliya

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaalida inay sii wadaan horumarkii laga sameeyey dhisidda dowladnimada, iyo siyaasadaha loo dhan yahay, gaar ahaan doorashooyinka iyo si nabdoon xukun isugu wareejinta,” ayaa lagu yiri qoraalka

QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa ugu dambeyn sheegay in si dhow ula socon doonaan xaaladda Soomaaliya.





Dhinacakale dawlada mareekamka ayaa sheegtey in hay,ada NISA iyo hugaamiyeheeda eey gacansaar la leeyihiin kooxda argagaxisada al shabaab oo isboocyadii la soodhaafey kafuliyey falal argagaxismo badan warbixinta ayaa intaasi ku dartey in maalgalinta eey katimaado dalka Qatar iyadoo u soo marineeyso NISA 


Post a Comment

0 Comments