Rooble oo ku baaqay shir deg deg ah iyo xabad joojin marin hadaabin ah

 


A C-WARAR

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay xabbad in shir deg deg ah la isu’gu yimaado, si xabbad-joojin looga hirgeliyo magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan jeediyey, kadib markii uu la kulmay xubnaha bulshada rayidka, waxaana uu sheegay inuu ka xunyahay dhibkii ka dhacay magaalada Muqdisho 24-kii saac ee u dambaysay.

Waxa uu sheegay in uu ku baaqayo shir degdeg ah oo ay kasoo qaybgalaan waxgaradka Muqdisho iyo siyaasiyiinta, kaasi oo uu sheegay in xaaladda lagu dejinayo looga arrinsanayo amniga.

Maxay tahay sababta uu rooble ugu baaqay inay shir dagdag ah ka qayb galaan wax garadka iyo siyaasiyiinta la safan siyaasadiisa liidata , yadoo sida saxda ah ay tahay in mucaaradka lala shiro oo xaaladan dalka ee cakiran la dajiyo

Baaqa Rooble ayaa imanaya iyadoo weli magaalada ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, kadib markii ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradsan mudda kordhinta dowladda.

 

Post a Comment

0 Comments