shacabka somaliyeed meel walibo ay joogaan ma ugolo mudo kurdhin

 


 A C-WARAR

12-kii April uu Golaha Shacabka meelmariyay qaraar lagu bedelayo heshiiskii 17-kii Sebtember, qaraarkaas oo xambaarsan geedi-socod doorasho oo ay ka dhalan doonto muddo kordhin dheeri ah oo ku timaadda muddo xileedkii loo igmaday Madaxweynaha iyo Baarlamaanka

Qaraarka 12-kii April wuxuu wiiqayaa nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Qaraarkan ayaa sidoo kale sii daahin doona qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo kuwaas oo ay sugayeen dadka Soomaaliyeed

Farmaajo ayaa mas'uul ka ah xadgudubyadaas dastuuriga ah ee dalka ku kala qaybiyay taageerayaasha iyo kuwa ka soo horjeeda, iyo u hoggaansamida awoodda isaga oo aan tanaasulaad samaynin inta lagu jiro wadahadallada ayaa sabab u ah fashilka wadahadalka siyaasadeed.

waxaan ku boorinaynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka inay si dhakhso leh ugu soo laabtaan wadahadallada si loogu heshiiyo habka hawsha horey loogusii wedi lahaa.

 Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, ayna sii wadaan wadahadalka, iskana ilaaliyaan ficillada halka dhinac ah ee kicin kara xiisadaha.


Post a Comment

0 Comments