Shirka Afisyooni oo galay maalintii 2aad


 A C-WARAR

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalintii labaad ka socda shir gaar ah oo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo ka socda Teendhada Afisyooni

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa dibad-joog ka ah warbaahinta, iyada oo ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, si xal looga gaaro is mari-waaga doorashooyinka dalka.

Inta badan waxaa shirkani diirada lagu saarayaa isku dhowaanshaha labada dhinac, iyaga oo shalay dood adag ka yeeshay qodobada qaar ee la’isku hayo.

Maalmo kahor CBB dagaal ooge Mohamed Abdullahi Farmaajo, waxay isku qancinayeen Muqdishu in (1) Maalin oo shir ah kadhacayo kaas oo ku eg Saxiix hishiiskii 17 September (17 September Agreement) iyo is afgaradkii 16kii February kadhacay Baydhabo oo kaliya.!

sidda aannu wadda ognahay Farmaajo iyo Ilma Green 22kii March ayaa shir ufurmay kaas oo Fashil kusoo idlaadey kadib Afar (4) Bari oo ay Afyisyooni Ludo Star kuciyaarayeen.

Kadib is adkeyn iyo baalo xoofto aan meel fog siijirin Farmaajo waxa uu wajahay xaqiiqadda, indhahana waa uu kadaboollan waayay.

Haddaba hadda maxaa dhacaya, hadda waxaa bilowday shirar hordhac u ah Shirka wayn ee rasmiga ah (Ice Breaker) ayadoo lagu fallaqayn doonno wixii dhacey 8 February wixii kadambeeyay

Mowqfika Agenda Puntland iyo Jubaland

1. In Farmaajo saxiixo degreetada uu kucadaynayo in Mandate kiisii dhamaday amarkiisuna shaqaynayn.

2. Shirka soo socda ee rasmiga ah waa inay saxiix kuyeeshan kana soo qayb gallan Midowga Musharaxiinta iyo Gudomiye Cabdixashi ama Farmaajo waa inuu isaga dhex baxa 5 Dowladood ee xubnaha ka ah Dowlada faderlka Somalia maadama ayagu ay hadda sharciyad rasmiya ay haystaan,Shirkuna saas kubilowda.

2. In Xillal ka ay hayaan Taliyasha NISA, Militaryga, iyo Police ka laga raacdeeya maadama ay dhiig galleen.

3.Shirka waa in beesha Calamka kasoo qayb gasha wixii meeshas kasoo baxanna ay damaanad qaadda.

(4) Goobta shirku kadhacayo iyo Amaanka goobta cidda sugasa.

(5) Taan qodob marka lagu hishiiyo oo uu Ina Farmaajo ogolaado ayuu Shirku sirami ah billaabanaya, inta qodobada aan kor kuxusay aysan dhaqan galin in Shir loo dareero hasugin

DHINACA KALE War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa dhaliil badan loogu jeediyey madaxweyne Farmaajo, waxayna ku eedeeyeen inuu dayacay ciidankii Qaran, iyagoo bogaadiyey sida ay isku difaaceen ciidankii lagu weerar Bariire iyo Awdheegle, sidoo kale u tacsiyeeyey ehellada askartii dhimatay


Post a Comment

0 Comments